fbpx
Thursday, March 28, 2024
HomeWararkaWasiirka Beeraha JSL Iyo Wefti Ka Socda Dawlada Jarmalka Oo Kormeer Ku...

Wasiirka Beeraha JSL Iyo Wefti Ka Socda Dawlada Jarmalka Oo Kormeer Ku Soo Maray Deegaano Katirsan Gobolka Gabiley Ee Uu Ka Socdo Mashruuc Biji.

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha JSL Mudane Maxamed Xaaji Cismaan Jaamac iyo Wefti uu hoggaaminayo ayaa Maanta kormeer ku soo maray deegaannada Gobolka Gabiley ee laga fuliyey Mashruuca BIJI ee Daryeelka Ciidda iyo Biyaha.

Wasiirka, ayaa Wefti ka socda Baanka Horumarinta Jarmalka ee KFW kormeer iyo indho-indhayn ah u geeyay deegaannada laga fuliyey Mashruuca BIJI oo Dawladda Jarmalku Somaliland u soo marisay Baanka Horumarinta Jarmalku ee Magaciisa loo soo gaabiyo KFW.

Weftiga oo Shalay Dalka Booqasho ku yimid, ayaa Maanta mid mid loo soo tusay waxqabadka Mashruuca BIJI, sida Gabyano lagu xidhay Dooxyada qaarkood, si loo hakiyo Biyaha iyo Ciiddii badda geli lahaa, Barkado iyo Ballayo waaweyn oo Mashruuca laga Maalgeliyey.

Deegaannada uu Wasiirka Horumarinta Beeruhu uu Weftiga soo mariyey waxa ka mid ah Lafta boqor iyo Isku-darka Gabiley, kuwaasi oo labadooduba hoos taga Degmada Gabiley, kana mid ah goobaha mashruucan hawsha baaxadda leh lagaga qabtay.

Madaxa Wasaaradda Beeraha u qaabilsan Mashruuca BIJI Mr. Ibraahin Carab Ceelaabe oo halkaa ka hadlay, ayaa Weftiga faahfaahin ka siiyey sida mashruucani loogu shaqeeyay, waxaanu sheegay in Wasaaradda iyo Cid kasta oo ka qayb-qaadatay ay u hagar-baxday sidii wax wax ku ool ah looga dhaxli lahaa Mashruucaasi, sida Dhaamam, Biyo-xidheeno, Barkado, Balliyo iyo Gabyano Biyaha lagu joojiyo, kuwaasi oo dhammaantood sidii loogu Talo-galay u fulay.

Agaasimaha Waaxda Biyaha iyo Waraabka ee Wasaaradda Horumarinta Beeraha Cabdirisaaq Sheekh Muxumed Gaboobe oo isaguna halkaa ka hadlay, ayaa sheegay in waxa Mashruuca BIJI uu ka taray Nabaad-guurkii ku socday dhulka laga fuliyey uu garan karo Qofkii ogaa Maalintii la bilaabayey Mashruuca, sidaasi darteed ay Masuuliyiin ahaan ku faraxsan yihiin in mashruucu u fulo sidii Qorshuhu ahaa.

Gebogabadiina, waxa halkaa ka hadlay Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha JSL Mudane Maxamed Xaaji Cismaan Jaamac, waxaanu sheegay in Dawladda Somaliland ay Dawladda Jarmalka uga Mahad-celinayso Mashruucan ay u soo marisay Baankeeda KFW.

Wuxuu sheegay in Dawlad ahaan ay jecel yihiin in xidhiidhka Somaliland iyo Jarmalku sii jiro isla-markaana ay sii wadaan taageerada dhinacyada badan leh ee ay Somaliland la garab taagan yihiin

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)