fbpx
Wednesday, June 7, 2023
HomeWararkaWargayska Financial Times Oo Warbixin Dheer Ka Qoray Dedaalka Ay Somaliland Ugu...

Wargayska Financial Times Oo Warbixin Dheer Ka Qoray Dedaalka Ay Somaliland Ugu Jirto Qaddiyadda Aqoonsi Raadinta Js

Warbixintaasi oo ay soo turjuntay Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, waxa uu Wargeysku ka hadlay Marwo Edna Aadan Ismaaciil oo ahayd Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Somaliland oo cisbitaal ka sameysay magaalada Hargeysa, waxaanu tilmaamay inay xasuusato xasuuqii ugu xumaa ee ka dhacay Mandaqada oo lagu sameeyey dadkeeda reer Somaliland.

Marwo Edna Aadan Ismaaciil waxay sheegtay in taliskii Siyaad  Barre uu dilay 200 oo Kun oo qof oo reer Somaliland ah,kuwaasi oo doonayey xornimo Sideetamaadii.

Marwo Edna Aadan waxay intaas ku dartay in Somaliland ay tahay dal lagu xushmeeyo bini’aadanimada, waxaanay tilmaantay inay Somaliland istaahisho aqoonsi caalami ah.

Wargeyska Financial Times wuxuu sheegay in tan iyo markii ay Somaliland xornimadeedii kala soo noqotay Soomaaliya saddon sannadood ka hor, ay ku guulaysatay inay qabato doorashooyin dimuqraadi ah, oo soo jiitay inay shirkadda DP World ee laga leeyahay Imaaraadka Carabtu ay maalgeliso marsadda Berbera, waxaanu warsiduhu tilmaamay in  madaxda Somaliland ay sheegeen in maalgashigaasi ka dhigan yahay jidkii lagu heli lahaa ictiraaf caalamiya.

Wargeyska Ingiriiska ka soo baxa ee Financial Times ayaa qoray warbixin ku Wajahan Jamhuuriyadda Somaliland iyo dedaalka ay muddada soddonka sannadood ah ugu jirto aqoonsiga caalamiga ah.

Warbixintaasi oo ay soo turjuntay Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, waxa uu Wargeysku ka hadlay Marwo Edna Aadan Ismaaciil oo ahayd Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Somaliland oo cisbitaal ka sameysay magaalada Hargeysa, waxaanu tilmaamay inay xasuusato xasuuqii ugu xumaa ee ka dhacay Mandaqada oo lagu sameeyey dadkeeda reer Somaliland.

Marwo Edna Aadan Ismaaciil waxay sheegtay in taliskii Siyaad  Barre uu dilay 200 oo Kun oo qof oo reer Somaliland ah,kuwaasi oo doonayey xornimo Sideetamaadii.

Marwo Edna Aadan waxay intaas ku dartay in Somaliland ay tahay dal lagu xushmeeyo bini’aadanimada, waxaanay tilmaantay inay Somaliland istaahisho aqoonsi caalami ah.

Wargeyska Financial Times wuxuu sheegay in tan iyo markii ay Somaliland xornimadeedii kala soo noqotay Soomaaliya saddon sannadood ka hor, ay ku guulaysatay inay qabato doorashooyin dimuqraadi ah, oo soo jiitay inay shirkadda DP World ee laga leeyahay Imaaraadka Carabtu ay maalgeliso marsadda Berbera, waxaanu warsiduhu tilmaamay in  madaxda Somaliland ay sheegeen in maalgashigaasi ka dhigan yahay jidkii lagu heli lahaa ictiraaf caalamiya.

Previous article
Next article
Laascaanood: Booliska Oo Magaaladda Ka ururiyay Dadka Ka Soo jeeda K.Soomaaliya By admin – October 2, 2021045 Laascaanood (HP): Waxaa labadii maalmood ee u danbeeyay ka soconaya magaaladda Laascaanood hawl gallo ay ciidamadda amaanku ku ururinayaan dadka ka soo jeeda koonfurts Soomaaliya. Hawl galadaasi ayay ciidamadda boolisku ku beegsanayaan dadka aan u dhalan Somaliland ee ka soo jeedda koonfurta Sooomaaliya. Kuwaasoo u badan ganacsato ayaa la sheegay in ciidamadu ay suuqyadii ay ku ganacsanayeen ay ka ururiyeen, kadibna ay geeyeen meel xerro ah. Halkaasoo la isugu keenay ku dhawaad boqol qof oo ah dad aan u dhalan Somaliland ee ka soo jeedda koonfurta Soomaaliya. Waxaanay wararku sheegayaan in xataa qaar ka mid ahaa ganacsatadaasi in meheradahoodii albaabadda la isugu dhuftay, isla markaana laga kexeeyay. Sababta keentay in magaaladda Laascaanood ayaa lagu tilmaamay mid la xidhiidha tallaabo wax lagaga qabanayo amaanka magaaladaasi. Iyadoo ay mudooyinkan danbe magaaladda Laascaanood ka dhaceen dilal loo gaystay xildhibaano ka tirsan golaha deegaanka Laascaanood iyo masuuliyiin kale oo xukuumadda Somaliland ka tirsan. Dilalkaasi kala danbeeyay ee Laascaanood ka dhacay ayaan ilaa hadda cid loo qabanin, inkastoo ay booliska iyo maamulka gobolka Sool ba sheegaan in baadhitaan la waddo. Hase yeeshee kadib markii ay adkaatay in wax raad ah loo hello cidii ka danbaysay dilalkaasi ayaa ciidamadda amaanku ay tallaabadani qaadeen. Talaabadani ayaa lagu tilmaamay mid la xidhiidha si amniga wax looga qabto, isla markaana loo xaqiijiyo sugnaantiisa ayay ciidamadda amaanku qaadeen. Dadkan laga ururiyay magaaladda Laascaanood oo meel xerro ah la isugu geeyay ayaa la sheegay in maalmaha soo socda loo tarxiilo dhinacaasi iyo koonfurta Soomaaliya. Geesta kale hawl galadani Laascaanood lagaga raafayo dadka ka soo jeeda koonfurta Soomaaliya ayaa ku soo beegmaya xili ay magaaladaasi ku sugan yihiin wefti wasiirro iyo masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Somaliland. Weftigaasi oo uu hogaaminayo wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed, oo muddo saddex maalmood ah ku sugan Laasaacnood ayaa kulamo la qaatay qaybaha kala duwan ee bulshadda. Dhinaca kale ma jiro wax war ah oo uu maamulka gobolka Sool iyo haayadaha amaanku kaga hadleen tallaabadani lagu raafayo dadka aan u dhalan Somaliland ee ku nool Laascaanood.
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)