fbpx
Friday, March 29, 2024
HomeWararkaMiisaaniyadda lagu shaqaynayo 2022-ka waa 37 bilyan 80% ayay korodhay”…

Miisaaniyadda lagu shaqaynayo 2022-ka waa 37 bilyan 80% ayay korodhay”…

    

Maayarka degmadda Boorama Maxamed Axmed Warsame, ayaa sheegay miisaaniyadda dawladda hoose ee Boorama ay ku hawl gelayso sanadka 2022-ka ay korodhay.

Iyadoo miisaaniyadii sanadkan sii dhamaanaya ay dawladda hoose ee Boorama ku shaqaynaysay ahayd 20 bilyan, halka miisaaniyadda lagu hawl gelayo sanadka soo socda ee 2022-ka ay tahay 37 bilyan.

Taasoo muujinaysa in ay korodhay 80% miisaaniyadda ay ku shaqayn doonto dawladda hoose ee Boorama sanadka 2022-ka.

Maayarka Boorama waxa uu xusay in qorshahoodu yahay in ay sanadka soo socda muhiimadda siiyaan fulinta mashaariicda horumarineed.

Maxamed Axmed Warsame, waxa uu sidan ka sheegay hadal uu maanta ka jeediyay kulan lagaga doodayay mashaariicda laga malageliyo mashruuca JPLG.

Waxaana kulankaasi furay maayarka Boorama, kaasoo ka qabsoomay xarunta dawladda hoose ee magaaladda Boorama.

Kulankaasi oo ahaa mid saddex geesood ah ayaa u dhexeeyay guddiyadda xaafadaha magaaladda Boorama.

Saraakiil ka socday wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland gaar ahaana mashruuca isku xidhka iyo horumarinta dawladaha hoose ee loo yaqaano JPLG.

Kulankaasi ayay u jeedadiisu ahayd sidii bulshadda looga qayb gelin lahaa qorsheyaasha horumarineed ee dawladda hoose ee Boorama ee sanadka soo socda.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)