fbpx
Friday, March 29, 2024
HomeWararkaGuddoomiyaha Degmadda Faroweyne Oo Ka Warbixiyay Qorsheyaashiisa Horumarinta

Guddoomiyaha Degmadda Faroweyne Oo Ka Warbixiyay Qorsheyaashiisa Horumarinta

    

Guddoomiyaha cusub ee degmadda Faroweyne ee gobolka Maroodijeex C/raxmaan Siyaad Aadan, ayaa ka wwrbixiyay waxyaabaha u qorshaysan ee uu doonayo inuu wax ka qabto.
Waxaanu sheegay in waxyaabaha uu ahmiyadda koowaad siinayo ay ka mid yihiin inuu horumariyo kaabeyaasha dhaqaalaha, sida waxbarshadda, beeraha, xoolaha, caafimaadka iyo waxyaabo kale.

Guddomiyaha ayaa intaas raaciyay dhismaha Waddooyinka imika socda inuu dhiiri gelino, kuwa danbe ee iman doonana inuu soo dhawayno oo uu garab istaagayo.

C/raxmaan Siyaad Yoonis, oo uu todobaadkii hore uu wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, xilkaasi u magacaabay ayaa wasiirka uga mahad celiyay magacaabistiisa.

Geesta kale guddoomiyaha degmadda Faroweyne ayaa fariin u diray dhamaanba qorbe joogta, aqoon yahanka, ganacsatadda, dhalinyaradda, iyo waxgaradka ka soo jeedda degmadda Faroweyne.
Waxaanu ugu baaqay in deegaan walba horumarkiisa ay qayb ka qaataan bulshadiisu, sidaas darteedna bulshadda ka soo jeedda Faroweyne looga baahan yahay in ay horumarka degmadda kala shaqayeen.
C/raxmaan Siyaad Yoonis, oo maanta warbaahinta kula hadlay magaaladda Hargaysa, waxa kaloo uu tilmaamay in ay ka maamul ahaan doonayaan in ay horumarka degmadda Faroweyne kor u qaadaan.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)