fbpx
Wednesday, May 29, 2024
HomeWararkaWasaaradda Caafimaadka Oo Wacyigelinta Xanuunadda Gaadhsiinaysa Deegaamadda Miyiga

Wasaaradda Caafimaadka Oo Wacyigelinta Xanuunadda Gaadhsiinaysa Deegaamadda Miyiga

    

Agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Somaliland ayaa maanta magaaladda Hargaysa ka furay kulan looga gol leeyahay sidii wacyigelinta caafimaadka loo gaadhsiin lahaa bulshadda.

Kulankaasi oo ka qabsoomay magaaladda Hargaysa ayay u jeedadiisu tahay sidii wacygelinta caafimaadka ee xanuunkaloo gaadhsiin lahaa bulshadda ku nool deegaamadda miyiga ah ee aanay wacyigelintu gaadhin

Waxaana kulankaasi ka soo qayb galay agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye, qaar ka mid ah agaasime waaxeedyadda wasaaradda caafimaadkaa, dhakhaatiir iyo xubno ka socday haayadaha caalamiga ah ee wasaaradda caafimaadka wada shaqaynta leeyihiin.

Barnaamijkaasi wacyigelineed waxaa si weyn uga faa’iidaysta caruurta ay da’doodu ka yar tahay shanta sanadood iyo hooyooyinka.

Waxaanay muhiimadu tahay in caruurta yar yar  ee aan si cad loo garan Karin xanuunka haya si deg deg ah loo helo cid bulshadda dhexdeedda ah oo fahmi karta ama garan karta xanuunka haya, isla markaana siin karta daawooyinka fudud ee ay u baahan yihiin.

Sidaasina waxaa sheegay agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye, oo hadal ka jeediyay kulankaasi wacyigelineed oo soconaya muddo laba maalmood ah.

 

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Ma doonaysaa inaan Saddaqo ku Darsato Masaajid?

Magaalada Kassel ee Dalka Germany oo ay Deganyihiin qiyaastii Somalida ugu badan Dalkani waxaa ka socda Khayr fara-badan oo mudan in lagala Qayb qaato. Gudida...

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir