Sunday, March 26, 2023
HomeWararkaSomaliland: Qiimaha Raashinka oo meel sare gaadhay iyo War la’aanta Xukuumadda

Somaliland: Qiimaha Raashinka oo meel sare gaadhay iyo War la’aanta Xukuumadda

    

Qiimaha Maceeshadda Quutal-daruuriga ah, ayaa suuqyada Somaliland ka maraysa meel sare, sida uu qoray Wargeyska Geeska Afrika oo warbixin ka diyaariyey baadhitaanno weriyeyaal ka tirsani ka sameeyeen suuqa dalka.

Raashinka kala duwan ee daruuriga ah, ayaa mid walba waxa ku biiray Lacag ku dhow intii hore loogu iibin jiray, taasi oo muujinaysa heerka Sicir-bararka ee xilligan ka jira Magaalooyinka Somaliland.

Wargeyska Geeska Afrika oo u kuur-galay Qiimaha Maceeshadda kala duwan halka ay ka marayso Somaliland, ayaa xog-warran la yeeshay qaar ka mid ah Ganacsatada Bakhaarrada ku haysta Suuqa Badhtamaha Hargeysa isla-markaana waydiiyey kala duwanaanshiyaha Qiimaha Raashinka ee xilligan iyo Qiimihii hore, waxayna sheegeen in Qiimaha Raashinku aad u kordhay, inkasta oo aanay tilmaamin sababo Cadcad oo keenaya Sicir-bararka Raashinka.

Tusaale ahaan, waxay sheegeen in Kiishka Sonkorta ah oo hore loogu iibin jiray 26 Dollar uu hadda marayo 30 illaa 31 dollar, Daqiiqda oo la siin jiray 22 Dollar ay hadda marayso 26 Dollar, Kiishka bariiska ah oo hore loo siin jiray 27 Dollar, hadda wuxuu marayaa 32 dollar, Jirikaanka Saliidda ah hore waxa loo siin jiray 25 dollar, imika waa 29, halka Saliidaha kale qaarkood 10 Dollar ku kordheen Qiimihii la siin jiray, Kartoonka Baastada ah oo hore loo siin jiray 8 dollar, ayaa hadda maraya 9.5 dollar, sida ay Wargeyska Geeska Afrika u sheegeen Ganacsatada Bakhaarrada ku haysta Magaalada Hargeysa.

Si rasmi ah looma oga waxa sababta u ah Qiimahan sar ee Raashinku gaadhay, Xukuumadda Somaliland, gaar ahaan Wasaaradda Ganacsiguna illaa hadda kama hadal arrintan oo culays ku ah guud ahaan Shacabka Somaliland, gaar ahaan Dadka hayntoodu yar tahay.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)