Friday, March 24, 2023
HomeWararkaMadaxweynaha Jsl Oo Sagootiyey 33-Arday Oo Ku Guulaystay Deeq Waxbarashada Sare Ah...

Madaxweynaha Jsl Oo Sagootiyey 33-Arday Oo Ku Guulaystay Deeq Waxbarashada Sare Ah Oo Ay Ka Heleen Dalka Taiwan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kulan sagootin ah la qaatay 33 (Saddex iyo soddon) Arday oo ku guulaystay tartan loo galay deeq waxbarasho oo uu dalka Taiwan siiyey Jamhuuriyadda Somaliland, kuwaas oo hayaankooda waxbarasho u ambo baxaya.

Kulankan sagootinta ah oo lagu qabtay xarunta qasriga madaxtooyada, ayaa waxa madaxweynaha kala qaybgalay xubno kamid ah golaha wasiirrada, madaxa guddida tacliinta sare ee Somaliland, safiirrada Somaliland iyo Taiwan u kala fadhiya labada dal ardayda ku guulaysatay deeqda waxbarasho iyo waalidiintooda, waxana halkaas laga jeediyey hadallo loogu dhiirrigelinayo ardayda, looguna mahadnaqayo waalidiintii kusoo tacabtay iyo dalka Taiwan ee deeqdan bixiyeyba.

Ugu horrayn safiirka Taiwan u qaabilsan dalka Jamhuuriyadda Somaliland, Amb. Allen Chenhwa Lou oo halkaas ka hadlay, ayaa ku dheeraaday xidhiidhka qotoda dheer ee ka dhexeeya Somaliland iyo Taiwan iyo qiimaha ay leedahay deeqda waxbarasho ee Ardaydan la siiyey, waxana uu kula dardaarmay xubnaha guulaystay inay ka faa’iidaystaan fursaddaas la siiyey.

Axmed Siciid Cige oo ku hadlay magaca waalidiinta Ardayda deeqda waxbarasho heshay, ayaa si weyn uga mahadnaqay deeqda Ubadka la siiyey, waxana uu ku adkeeyey inay kasoo dhalaalaan doorkooda ku aaddan waxbarashada lacag la’aanta lagu siiyey.

Cabdiraxmaan Xuseen Muuse oo ku hadlayey magaca Ardayda deeqda waxbarasho heshay oo halkaas ka hadlay, ayaa soo dhaweeyey fursadda la siiyey, waxana uu ballan qaaday inay arday ahaan ka go’an tahay sidii ay fursaddaas uga midho dhalin lahaayeen.

Wasiirrada wasaaradaha Waxbarashada iyo Sayniska iyo Arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah Mudane Axmed Maxamed Diiriye (Toorno) iyo Dr. Ciise Keyd Maxamuud, ayaa iyaguna si isku mid ah ula dardaarmay Ardayda waxbarashada u baxaysa, waxana ay ku dhiirrigeliyeen inay noqdaan safiirro metelaya qarankooda, deeqda la siiyeyna guul kasoo hooya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo kulanka sagootinta ah soo gebogebeeyey, ayaa bogaadiyey ardayda ku guulaysatay deeqda waxbarasho, waxana uu kula dardaarmay inay noqdaan kuwa ka faa’iidaysta deeqda la siiyey, una dhabar-aradayga caqabadaha ay kala kulmi doonaan dalka ay tegayaan oo ah mid ay isku cusub yihiin.

Madaxweynuhu waxa uu Ardayda la wadaagay khibraddiisa la xidhiidha waqti hore oo uu deeq waxbarasho ka helay dal dibadeed, waxana uu tilmaamay inay da’adoodii ku dedaaleen inay jiilasha dambe uga tagaan wax la taaban karo oo dhaxal ah,“Annaga da’adayada waaweyni dedaalkayagii wixii aannu la kulannay halkaas ayaanu idin soo gaadhsiinnay, idinkana waxa la rabaa inaad halkaas ka qaaddaan, Insha Allaahu fogaan mayso inaad ka sheekaysaan in madaxweyne iyo wasiirro idin waddaceen maanta, idinkoo nolol wanaagsan gaadha, waxbarashaduna waa qori isu dhiib,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Ugu dambayntii madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu madasha ka ballan qaaday inay xukuumaddu tigidhada diyaaradaha ka bixinayso Ardayda qayb ahaan iska bixinaysa deeqda waxbarasho, waxana uu yidhi,“Dhammaan Ardayda deeqda waxbarasho qayb ahaan iska bixinaysa (Partially scholarship) tigidhadooda dawladda ayaa ka bixinaysa.”Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Muuse Biixi Cabdi.

Wa-bilaahi Tawfiiq

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)