fbpx
Tuesday, April 16, 2024
HomeWararkaMaayarka Buuhoodle Oo Bulshadda Deegaanka Dogoble U Balan Qaaday Dhismaha Dugsi Waxbarasho...

Maayarka Buuhoodle Oo Bulshadda Deegaanka Dogoble U Balan Qaaday Dhismaha Dugsi Waxbarasho iyo Xarun Caafimaad

    

Maayarka degmadda Buuhoodle Khadiija Axmed Aadan, iyo wefti ay hogaaminayso oo maalmahanba safar shaqo ku maraysay deegaamo ka tirsan gobolkaasi ayaa maanta gaadhay deegaanka Dogoble.

Maayarka waxaa safarkaasi ku wehelinaya xubno ka tirsan golaha deegaanka Buuhoodle iyo xoghayaha fulinta dawladda hoose ee isla degmadda Buuhoodle.

Safarka maayarka ayay u jeedadiisu tahay u kuur gelidda baahiyaha aasaasiga ah ee  ka jira deegaankaasi, iyadoona dhamaanba si weyn loogu soo dhaweeyay deegaamadii ay maayarka iyo weftigiisu.

Markii maayarka iyo weftigiisu ay gaadheen deegaanka Dogoble waxay halkaasi warbixino la xidhiidha xaaladaha guud ee nololeed ee bulshadda iyo baahiyaha haysta ka dhegaysatay bulshadda deegaankaasi.

Iyadoo deegaanka Dogoble uu ka arradan yahay dhamaanba addeegyadda aasaasiga ah ee  nolosha sida waxbarashadda, caafimaadka, biyaha iyo waxyaabaha kaleba.

Maayar Khadiija Axmed Aadan, oo la hadashay dadweynaha reer Dogoble ayaa u balan qaaday in ay u dhisi doonto dugsi waxbarasho oo hoose dhexe, iyo xarun caafimaad, maadaama oo labadaasi ay yihiin waxyaabaha ay sida weyn baahida ugu qabaan bulshadaasi.

DAAWO: Warkaasi:

 

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Ma doonaysaa inaan Saddaqo ku Darsato Masaajid?

Magaalada Kassel ee Dalka Germany oo ay Deganyihiin qiyaastii Somalida ugu badan Dalkani waxaa ka socda Khayr fara-badan oo mudan in lagala Qayb qaato. Gudida...

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir