fbpx
Monday, June 5, 2023
HomeWararka“Waa in aan dagaalka laban laabnaa joojinta ka ganacsiga Harimacadka”

“Waa in aan dagaalka laban laabnaa joojinta ka ganacsiga Harimacadka”

    

Wasiirka wasaaradda deegaanka Somaliland ayaa maanta soo gebagabaysay tababar muddo shan maalmood ah ka socday magaaladda Hargaysa.


Tababarkaasi oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda deegaanka Somaliland ayaa ku saabsanaa xakamaynta ka ganacsiga sharci darrada ah ee duur joogta gaar ahaana Harimacadka.
Waxaana tababarkaasi ka qayb qaadanayay masuuliyiin ka socday haayadaha ay wada shaqaynta leeyihiin wasaaradda deegaanka Somaliland ee ka shaqeeya arrimaha joojinta ka ganacsiga Harimacadka.


Sidoo kale waxaa tababarkaasi ka qayb qaadanayay saraakiil ka kala tirsan ciidamadda ilaaladda xeebaha, iyo booliska iyo xubno kale.
Waxaana xidhitaanka tababarkaasi lagu magacaabay guddi ka shaqaysa wax ka qabashadda ka gamacsiga Harimacadka oo isugu jira ciidamadda, wasaaradda deegaanka, iyo haayadaha ka shaqeeya joojinta ganacsiga Harimacadka.


Wasiirka wasaaradda deegaanka Somaliland Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, oo hadal ka jeedisay xidhitaanka tababarkaasi ayaa rejo fiican ka muujisay in xubnaha loo magacaabay xoojinta iskaashiga laga yeelanayo joojinta ka ganacsiga Harimacadka.
Wasiirku waxay sheegtay in ka dawlad ahaan iyo wasaarad ahaanba sii laban laabayaan wax ka qabashadda ka ganacsiga sharci darrada ah ee Harimacadka.

HALKAN HOOSE KA DAAWO HADALKA WASIIRKA:

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)