Shan ceel biyood oo cusub ayaa laga dhagax dhigay deegaanka Dhaboolaq oo ka tirsan degmadda Faroweyne ee gobolka Maroodijeex.
Waxaana ceelashaasi soo bixiyay dad muxsiniin ah oo reer Somaliland ah oo degan wadamadda dibadda.
Dhaqaalaha ku baxaya ceelshaasi ayaana lagu soo hagaajiyay sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray (Aadan-siiro).
Ceelashan cusub waxaa wada jir u dhagax dhigay Sheekh Aadan Siiro, iyo qaar ka mida odayaasha deegaanka Dhaboolaq.