26.1 C
Hargeisa
Wednesday, March 22, 2023

Kulan Ku Saabsan Mashruuca JPLG Oo Burco Lagu Qabtay

    

Kulan lagaga arrinsanayay mashaariicda horumarinta gaar ahaana caafimaadka iyo waxbarashadda ee mashruuca loo yaqaano JPLG ayaa maanta ka qabsoomay magaaladda Burco.

Kulankaasi oo ka qabsoomay xarunta dawladda hoose ee degmadda Burco, waxaana ka soo qayb galay wasiir ku-xigeenadda wasaarradaha caafimaadka iyo arrimaha gudaha ee Somaliland.

Sidoo kale waxaa kulankaasi ka qayb galay agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashadda, maamulka gobolka Togdheer, ka degmadda Burco iyo masuuliyiin kale.

Maayarka magaaladda Burco C/rasaaq Ibraahim Cabdi, oo hadal ka jeediyay kulankaasi ayaa sheegay in wasaarradaha waxbarashadda iyo caafimaadku ay heshiiska mashruuca JPLG la galeen dawladaha hoose inuu socday muddo afar sanadood ah.

Waxaanu tilmaamay maayarka Burco in iyaga ka dawlad hoose ahaan ay qorsheeyeen in mashaariicda JPLG ee horumarinata waxbarashadda iyo caafimaadka ay ku daraan sanadka soo socda ee 2022-ka.

Sidoo kale waxaa kulankaasi hadalo ka jeediyay wasiir ku-xigeenadda wasaarradaha caafimaadka iyo arrimaha gudaha, waxaanay faahfaahin ka bixiyeen qorsheyaasha xukuumadda dhexe ee la xidhiidha mashaariicda laga maalgelinayo GPLG iyo sidii ay dawladaha hoose uga wada shaqayn lahaayeen.

DAAWO: Kulankaasi iyo Hadaladii Masuuliyiinta:

 

la Xidhiidha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisement -

Arimaha Diinta