Friday, March 24, 2023
HomeWararka“Mooshinkii goluhu ansixiyay ee go’aamadii haayadda Caymisku waxay ahayd sharci darro”…

“Mooshinkii goluhu ansixiyay ee go’aamadii haayadda Caymisku waxay ahayd sharci darro”…

    

Xildhibaan Mustafe Maxamed, oo ka mida golaha Wakiiladda Somaliland ayaa sharci darro ku tilmaamay ansixintii ay shalay golaha Wakiiladu ku meel mariyeen go’aankii maxkamadda sare  ee haayadda Caymiska qaranka.

Waxaanu sheegay in mooshinkii ay xildhibaanadu shalay ka keeneen haayadda Caymiska, ee ay hore maxkamadda sare  qaraarka uga soo saartay in aanu  ahayn mooshin sharci ah.

Xildhibaan Mustafe, ayaa tilmaamay in maxkamadda sare ay soo saartay go’aan maamul oo ay shirkad gaar ah ugu xidhay addeegga Caymiska gaadiidka, isla markaana ay shirkadaha Caymisku xaq u lahaayeen in ay go’aankaasi maxkamadda sare ka racfaan qaataan.

Iyadoo ay hore uga racfaan qaateen maxkamadda sare, maadaama oo uu nidaamka sharciga ah sheegayo in go’aamadda maamul ee rabitaanka in looga racfaan qaadayo maxkamadda sare ee dalka.

Xildhibaan garyaqaan Mustafe Maxamed, oo maanta warbaahinta kula hadlay magaaladda Hargaysa, ayaa ka warbixiyay arrintaasi marka dhanka sharciga laga eego sida ay tahay iyo in ay sharci tahay iyo in kale.

Mustafe Maxamed, oo ka mida golaha Wakiiladda Somaliland ahna guddoomiye ku-xigeenka guddi hoosaadka shuruucda iyo arrimaha garsoorka.

Isagoo sidoo kalena  hore muddo dheer u soo ahaa garyaqaanka guud ee golihii Wakiiladda ee dhawaan xilkoodu dhamaaday.

 

DAAWO: Xildhibaan Mustafe Oo Arrimahaasi Ka Hadlaya:

 

 

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)