fbpx
Saturday, April 20, 2024
HomeWararkaMaayarka Buuhoodle Oo Kormeeray Deegaamo Kala Duwan

Maayarka Buuhoodle Oo Kormeeray Deegaamo Kala Duwan

    

Maayarka degmadda Buuhoodle  iyo wefti uu hogaaminayo ayaa maanta safar shaqo ku soo maray deegaamadda Dhalaamo-cune, Banyaal, Dogoble, iyo Bali Cad, oo ka tirsan gobolka Buuhoodle.

Maayarka degmadda Buuhoodle Khadiija Axmed Aadan, waxaa safarkaasi ku weheilinayay xoghayaha fulinta dawladda hoose ee Buuhoodle Khaalid Xuseen Maxamed, iyo xubno ka mida xildhibaanadda golaha deegaanka Buuhoodle.

U jeedadda safarka maayarka iyo weftigiisa ayaa la xidhiidhay u kuur gelida baahiyaha aasaasiga ah ee  ka jira deegaamadaasi iyo xaaladaha nololeed iyo baahiyaha ka jira ee haysta bulshadda.

Bulshadda ku dhaqan deegaamadda Dhalaamo-cune iyo Banyaal, oo ay maayarka Buuhoodle iyo weftigiisu Lugta hore ee safarkoodda ka bilaabeen ayaa si diiran u soo dhaweeyay maayarka iyo weftigiisaba.

Iyadoo maayarka Buuhoodle iyo golihiisa deegaanku ay ka soo kicitimeen deegaanka Widh-widh, oo xarun ku-meel gaadha u ah hawlahoodda shaqo, maadaama oo aanay xaruntoodda Buuhoodle sababo amaan darro awgeed ugu shaqayn Karin.

Waa markii u horaysay oo maayar ka socda degmadda Buuhoodle uu deegaamadda hoos yimaadda ku soo marro safar noocaasi ah oo uu ugu kuur gelayo xaaladaha nololeed iyo baahiyaha ka jira ee haysta bulshadda.

Bulshadda ku dhaqan deegaamadii kala duwanaa ee ay soo mareen maayarka iyo weftigiisa ayaa dhamaantoodba si diiran loogu soo dhaweeyay, isla markaana ay maayarku meello fagaare ah kala hadashay bulshadii soo dhawaysay.

Sidoo kale maayarka Buuhoodle iyo weftiga la socday ayaa deegaamadii ay soo mareen waxaa warbixino xog ogaalnimo oo la xidhiidha xaaladaha nololeed ee  bulshadda ku siinayeen masuuliyiinta iyo odayaasha deegaamadaasi.

Maayar Khadiija Axmed Aadan, oo meel fagaare ah kala hadashay bulshadda deegaanka Dhalaamo-cune u balan qaaday in ay u samayn doonto xarun caafimaad. Iyadoo deegaankaasi uu yahay mid aan lahayn gebi ahaanba wax xarun caafimaad ah nooc kastoo ay tahay ba.

Kaasoo ay bulshadda deegaankaasi dhibaato weyn ku qabaan gaar ahaana hooyadda iyo dhalaanka oo iyagu inta badan daryeel iyo xanaanayn joogto ah u baahan.

Sidoo kale maayarka Buuhoodle ayaa deegaanka Dhalaamo-cune u samaysay xubno ka kooban lix xubnood iyo guddoomiyahoodda oo noqon doona ururka ololaha nadaafadda deegaankaasi.

Kuwaasoo todobaad kastaba maalin fulin doona olole nadaafadeed, isla markaana lagala xisaabtami doono.

Waxa kaloo ay maayarku u balan qaaday dadweynaha deegaankaasi in ay dhisme dugsi oo ka kooban afar qol ku kordhin doonaan iskuulka deegaanka Dhalaamo-cune.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Ma doonaysaa inaan Saddaqo ku Darsato Masaajid?

Magaalada Kassel ee Dalka Germany oo ay Deganyihiin qiyaastii Somalida ugu badan Dalkani waxaa ka socda Khayr fara-badan oo mudan in lagala Qayb qaato. Gudida...

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir