Saturday, April 20, 2024
HomeWararkaBadhasaabka Togdheer Oo Warbixin Ka Dhegaystay Masuuliyiinta Caafimaadka Ee Heer Gobol

Badhasaabka Togdheer Oo Warbixin Ka Dhegaystay Masuuliyiinta Caafimaadka Ee Heer Gobol

    

Guddoomiyaha gobolka Togdheer Maxamed C/laahi Ibraahim (Nafaqo), ayaa maanta warbixin ku saabsan xaaladda xanuunka Covid-19 ka dhegaystay masuuliyiinta caafimaadka heer gobolka.

Kulankaasi oo ka qabsoomay xafiiska badhasaabka gobolka Togdheer waxaa ka soo qayb galay isku-duwaha wasaaradda caafimaadka ee gobolka Togdheer Maxamed Yuusuf, iyo agaasimaha cusbitaalka guud ee magaaladda Burco.

Xanuunka Coronavirus ayaa mawjadiisa labaad ay ku dhufatay gobolka Togdheer, iyadoo ay bilihii u danbeeyay ay dad badani u dhinteen xanuunkaasi.

Sida uu sheegay isku-duwaha wasaaradda caafimaadka ee gobolka Togdheer Maxamed Yuusuf, oo badhasaabka warbixin ka siinayay saamaynta xanuunka Coronavirus ee gobolkaasi.

Waxaanu isku-duwuhu bulshadda ugu baaqay in ay ku dedaalaan sidii ay u raaci lahaayeen tallooyinka caafimaad ee lagaga gaashaamanayo xanuunka Covid-19.

 

 

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Ma doonaysaa inaan Saddaqo ku Darsato Masaajid?

Magaalada Kassel ee Dalka Germany oo ay Deganyihiin qiyaastii Somalida ugu badan Dalkani waxaa ka socda Khayr fara-badan oo mudan in lagala Qayb qaato. Gudida...

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir
Exit mobile version