Haldoornews.com
Afgembi dhicisoobay oo ka dhacay Suudaan
September 21, 2021 - Written by admin

Khartum(HDNEWS):-Dowladda Suudaan waxay sheegtay in afgembi dhicisoobay uu ka dhacay dalkaas isla markaana la qaaday tallaabooyin lagu dajinayo xiisadda, sida ay baahisay warbaahinta dowladda.

“Waxaa dhacay afgembi dhicisoobay, dadka waa inay ka hortagaan” ayay soo xigatay wakaaladda wararka ee AFP.

Waxaa jiray isku dayo la doonayay in lagu qabsado dhismayaasha warbaahinta dowladda, sida ay baahisay AFP

COMMENTS
Arimaha Diinta