Haldoornews.com
Hargeysa dawladda ayaa hagratay ee maayar waxba kama qaban karo
September 18, 2021 - Written by Admin

Hargeysa dawladda ayaa hagratay ee maayar waxba kama qaban karo

 

Asc, salaan ka dib si aan doodayda qiil ugu helo horta qoraagu waa kuma. Anigu waxan bartay cilmiga dhaqaalaha oo aan ku shaqaynayay muddo ka badan 20 sano, immikana waxan ka shaqeeya jaacamad wayn oo ku taalla dalka Sweden. Dalkeena hooyo waxan tagaa ugu yaraan labadii sanaba mar sidaa daraadeed waxan u ahay xogogaal.

 

Hargeysa oo ah magaalo madaxdii dalkeena oo aynu wadaleennahay waxa ka muuqda dayac badan oo dhinaca waddooyinka ah. Sababta koowaad horta waa maayaradii soo maray oo aan u shaqayn ee ka shaqaystay. Waxase iswaydiin leh dhaqaalaha soo gala magaalada haddiiba sideeda wax loogu qaban lahaa ma ku fillaan lahaa? Jawaabtu waa haa iyo maya labadaba. Horta waddooyin dhawr ah oo halbawlaha magaalada ah si fiican ayaa loogu dhisi karaa dhaqaalaha magaalada soo gala laakiin waddooyinka magaalada oo dhan laguma dhisi karo. Cashuurta ardiyadda ee laga qaado guryaha oo keli ah waxan ku qiyaasi karnaa in ka badan 2 milyan oo dollar sannadkii. Cashuuro kalena way jiraan oo dhaqaale ka soo galo dawladda hoose.

 

Cashuurta soo gasha dawladda hoose kuma fillaan karto baahida magaalada oo dhan xataa haddii aan shilin laga cunin. Sababtu waa, magaalada oo aad u wayn iyo magaalada oo buuro ku dhextaalla oo u baahan in meel walba laami laga dhigo. Magaalooyinka waayayn ee dalka oo dhan waan soo wada maray, badankooduna waa dhul siman oo baabuurtu mari karto oo si degdeg ah aad meel walba u gaadhayso. Laakiin Hargeysa saacado ayay kugu qaadaynaysaa haddii aad istidhaahdo xaafadaha dhexmar waayo waa wada dhagax.

 

Haddaba halka sartu ka qudhantay waa dawladda dhexe oo cashuur badani ka soo gasho guryaha iyo meheraha faraha badan ee Hargeysa ku yaalla laakiin aan waxba dib ugu soo celin magaalada. Dawladdu waxay qaaddaa cashuurta macaashal macaashka oo laga qaado dhisme kasta oo kiraysan taas oo u dhiganta bil kiradeed ama 8,3% kirada. Waxa kale oo intaa in le´eg laga qaadaa qof kasta oo meher haysta ha waynaato ama haba yaraatee. Magaalada oo ay deggen yihiin in ka badan hal milyan oo qof waad qiyaasi kartaan waxa meherad ku taalla. Waxan ku qiyaasi karnaa in ay dawladda dhexe ka soo gasho lacag ku dhaw 20 milyan oo dollar.Waxa kale oo jira cashuur laga qaado mushaharka dhammaan shaqaalaha shirkadaha waawayn, hay´adaha, iyo waliba shaqaalaha shirkadaha guryaha dhisa, taas oo iyaduna noqon karta malaayiin dollar oo kale. Nasiibdarro dawladda dhexe waxba dib uguma soo celiso Hargeysa.

 

Berbera iyo Gabiley waxa si fiican loogu dhisay waa cashuurta dekedda iyo Kalabaydh ka soo baxda oo in cayiman dawladdu ay dib ugu celiso. Hargeysa oo waxaas oo cashuur ah laga ururiyo maxaa iyada wax dib loogu soo celin waayay? Dawlad magaalo madaxda ay daggen tahay waddooyinkeeda aad mooddo in madaafiic lagu garaacay caalamka ma jirto

 

Hargeysa waxa agoon ka dhigay waa dadkeedii oo aad mooddo in aanay degaankoodii ahayn oo aan mar qudha ka hadlayn xaqdarrada haysta magaalada. Waxay ku mashquuleen oo ay la kala safan yihiin xisbiyada qaranka. Tani waa ta gayaysiisay gobolka Maroodijeex oo ay ka codeeyaan 40% codbixiyayaasha dalku in uu golaha wakiilada ku yeesho 24%. Dawladda dhexe iyo dawladda hoose waa in ay iskaashadaan oo ay magaalada u sameeyaan waddooyin hagaagsan. Waxa kale oo aan ku talinayaa in la joojiyo samaynta waddooyinka qawda maqashiida ah, ee inta xoolo badan la geliyo haddana sannad ka dib baaba´aya. Waxa wanaagsan in la dhiso 2 km oo hagaagsan inta la dhisayo 10 km oo bilaa tayo ah. Waddooyinka bilaa tayada ah ee la dhisayaa waa lacag dalka laga khasaarinayo.

 

Khadar Axmed Barkhad

waryee@hotmail.com

COMMENTS
Arimaha Diinta