Haldoornews.com
Dablay Hubaysan ayaa magaalada Laascanood ku dishay Xildhibaan Cabdirisaaq Cardoofe oo kamid ahaa Xildhibaanada Golaha deegaanka Laascanood.
September 12, 2021 - Written by admin
Laascaanood(Haldoornews):-Ilaahay ha u naxariisto Marxuum Cabdirisaaq Axmed Cilmi (Cardoofe) oo caawa gacan ka xaqdarani ay ku dishay Magaalada Laasacaanood, Marxuumku waxa uu ahaa Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI ee Gobolka Sool isla markaana ah xubin Golaha Deegaanka ee Deg Laasacaanood.
Ilaahay waxa aan uga baryayaa in uu naxariistiisa Janno ka waraabiyo, samir iyo iimaanna ka siiyo ehelkiisii iyo qaraabadiisii, Xukuumaddana waxa aan leeyahay gacan ku dhiiglayaasha degdeg ha loo soo qabto oo Caddaaladda la hor keeno

COMMENTS
Arimaha Diinta