Friday, March 24, 2023
HomeWararkaC/raxmaan Cirro: “Waxaan Shaacinayaa Inaan U Tartamayo Guddoomiyaha Waddani”…

C/raxmaan Cirro: “Waxaan Shaacinayaa Inaan U Tartamayo Guddoomiyaha Waddani”…

    

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ayaa shaaciyay inuu mar kale u tartamayo guddoomiyenimadda xisbigaasi.

Waxaanu sheegay inuu ka dhex tartami doono shirweynaha xisbigaasi oo la filayo inuu qabsoomo dabayaaqadda bisha soo socota ee October.

C/raxmaan Maxamed C/laahi (cirro), waxa uu sidan ku sheegay qoraal kooban oo uu maanta soo dhigay bartiisa Facebook.

Waxaanu qoraalkiisa ku yidhi, “Waxa aan maanta oo Jimce ah si rasmi ah u iclaaminayaa in aan ahay musharax u taagan jagada guddoomiyaha xisbiga Waddani, oo aan ka dhex tartami doona shirweynaha xisbiga oo qabsoomi doona 30-ka ilaa 31-ka October ee 2021-ka”.

Geesta kale C/raxmaan Maxamed C/laahi (cirro), oo hadda ah musharaxa madaxweyne ee xisbiga Waddani ayaa hore u soo noqday guddooniyaha xisbiga Waddani.

Balse waxa uu xiligii lagu jiray doorashooyinkii madaxtooyadda jagadaasi si kumeel gaadh ah ugu magacaabay C/qaadir Xaaji Ismaaciil Jirde.

Halka uu isaguna ahaa musharaxa jagadda madaxweynaha ee xisbiga mucaaradka ah ee Waddani.

Dhinaca kale waxaa jirtay in xiligii lagu jiray doorashooyinkii madaxtooyadda Somaliland ee sanadkii 2017-kii in C/raxmaan Cirro, oo jagooyin aanay bulshadu si cad u fahmin uu masuuliyiin uga magacaabay xisbigiisa Waddani.

Waxaana dadkaasi ka mid ahaa Xirsi Cali Xaaji Xasan, oo uu u magacaabay hogaamiyaha xisbiga Waddani.

Jagadaasi oo magacaabisteedda iyo waxa ay awoodaheedu yihiin ba ay hadal hayn badan bulshadda iyo siyaasiyiintaba ka dhex abuurtay.

Waxa kaloo dadka uu jagooyinka xiligaasi y magacaabay C/raxmqan Cirro, ka mid ahaa C/qaadir Jirde, oo uu u magacaabay guddoomiyaha ku-meel gaadhka ah ee xisbiga Waddani.

Hase yeeshee warkan uu maanta shaaciyay guddoomiyaha Waddani ayaa loo arkaa  inuu xilkaasi  kala noqday C/qaadir Jirde.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)