Sunday, March 26, 2023
HomeWararkaWakhtiga Lagu Dhawaaqayo Imtixaanka Shahaadiga ah Ee Somaliland Oo La Shaaciyay

Wakhtiga Lagu Dhawaaqayo Imtixaanka Shahaadiga ah Ee Somaliland Oo La Shaaciyay

    

Xafiiska imtixaanaadka qaranka Somaliland ayaa shaaciyay wakhtiga rasmi ahaan loogu dhawaaqi doono natiijadda imtixaanadda shahaadiga ah ee fasaladda afraad ee sare iyo sideedaad ee dhexe ee dalka Somaliland.

Guddoomiyaha xafiiska imtixaanaadka qaranka Somaliland Daa’uud Axmed Faarax, oo galabta warbaahita la hadlay ayaa sheegay in imtixaanka shahaadiga ah lagu dhawaaqi doono maalinta Axadda ee 12-ka bishan aan ku jirno.

Kaasoo lagu shaacin doono qaab online ah, isla markaana ay ardaydu natiijadoodda ku heli doonaan hanaanka internet-ka.

Taasoo uu guddoomiyuhu sheegay in ay codsadeen arday badan, iyadoona ka fudud qaabkii berigii hore lagu shaacin jiray intixaanadda shahaadiga ah.

Geesta kale ku dhawaaqista natiijadda imtixaanaadka shahaadiga ah ee sanadkan ayaa maalmahan baa ad looga hadal hayay dalka, iyadoo ay ardaydii imtixaanaadkaasi sanadkan u fadhiistay ku doodayeen in dib u dhac uu ku yimid ku dhawaaqidda imtixaanka.

Hase yeeshee guddoomiyaha xafiiska imtixaanaadka qaranka Somaliland oo arrintaasi ka hadlay ayaa sheegay in aanay ku dhawaaqistu waxba dib uga dhicin xiligii sanad kastaba lagu dhawaaqi jiray.

Daa’uud Axmed Faarax, waxa uu tilmaamay in hawsha sixitaanka imtixaanku ay aad u culus tahay, isla markaana ay ka qayb qaadanayeen 30 kun ilaa 40 kun, oo macalin oo midkiiba uu saxayay ku dhawaad 22 waraaqadood.

Sidoo kale waxa uu sheegay Daa’uud, in hawsha sixista imtixaanka ay ka qayb qaadanayeen ilaa kun macalin, oo saxayay, iyo ku dhawaad 300 oo hubiyeyaal ah.

Iyadoo kadib marka la saxo, ay hadana ka sii hubinayeen ilaa 43 qof oo ahaa ninka masuulka ka ah hawsha sixitaanka iyo kaaliyihiisa.

 

 

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)