fbpx
Friday, April 19, 2024
HomeWararkaSoomaaliya: Khilaafka Farmaajo iyo Raysal Wasaare Rooble Oo Cirka Isku Shareeray

Soomaaliya: Khilaafka Farmaajo iyo Raysal Wasaare Rooble Oo Cirka Isku Shareeray

    

Waxaa cirka isku sii shareeray khilaafka u dhexeeya madaxweynaha iyo raysal wasaaraha dawladda federaalka ah ee Soomaaliya, kaasoo afar iyo labaatankii saacadood ee la soo dhaafay soo laba kacleeyay.

Waxaanay wararku sheegayaan in agaasimaha cusub ee ku-meel gaadhka ah ee uu xalay madaxweyne Farmaajo u magacaabay haayadda nabad-sugidda iyo sir-doonka qaranka Soomaaliya inuu maanta xilka la wareegay.

Iyadoo munaasibad uu xilka kula wareegayo lagu qabtay xarunta haayadda ee magaaladda Muqdisho oo ku taaalla jidka Kiiloomitir Zero, ee magaaladda Muqdisho.

Sida lagu sheegay war lagu baahiyay bogga rasmiga ah ee Twitter-ka ee haayadda NISA.

Waxaana la sheegay in agagaarka xarunta haayadda NISA ayaa lagu arkayaa ciidamo fara badan iyo gawaadhida gaashaaman ee milateriga.

Kuwaasoo taageersan madaxweyne Farmaajo iyo taliyaha cusub ee uu u magacaabay haayadda NISA.

Isla maanta gelinka danbe ayuu qorshuhu yahay inuu xarunta NISA taggo oo uu xilka la wareego agaasimaha uu dhawaan haayadaasi u soo magacaabay raysal wasaare Maxamed Xuseen Rooble, sareeye guud Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir-goobe).

Iyadoo laga cabsi qabaa haddii ay taashi dhacdo in a timaado dhibaato iyo dagaal dhex mara labadda dhinac.

Waxaa xusid mudan in warka magacaabista madaxweyne Framaajo, aan lagu baahinin warbaahinta dawladda sida Idaacadda Radio Muqdisho iyo telefishanka qaranka Soomaaliya mdinaba.

Xalay xili danbe ayuu madaxweyne Farmaajo, magacaabay gaashaanle sare Yaasiin C/laahi Maxamuud, oo ahaa taliyaha nabad-sugidda gobolka Banaadir, inuu si ku-meel gaadh ah u hogaamiyo haayadda nabad-sugidda iy sirdoonka qaranka.

Inta laga soo magacaabayo taliye ku yimaadda hab waafaqsan dastuurka iyo sharciga dalka.

Wuxuu sheegay Farmaajo, in ay jirtay is-tiqaalad uu u soo gudbiyay agaasimihii hore ee haayadda nabad-sugidda iyo sirdoonka qaranka Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, isla markaana uu ka aqbalay is-casilaadiisa.

Hase yeeshee raysal wasaare Rooble, ayaa ka hor yimid magacaabista madaxweyne Farmaajo, ee agaasimaha cusub ee ku-meel gaadhka ah ee haayadda NISA.

Isagoona madaxweynaha ku eedeeyay inuu carqaladaynayo nidaamka aminiga dalka iyo doorashooyinka.

Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo, ayaa agaasimihii hore ee haayadda nabad-sugidda qaranka Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, u magacaabay la-taliyihiisa gaarka ah ee arrimaha amniga.

Geesta  kale khilaafkan ka dhex taagan raysal wasaare Rooble, iyo madaxweyne Farmaajo ayaa warbaahinta dawladu waxay la safatay raysal wasaaraha.

Iyadoona kadib markii warka magacaabista madaxweyne Farmaajo, ee agaasimaha haayadda NISA, in isla markiiba laga saaray boggaga warbaahinta dawladda.

Waxaana la sheegay in arrintaasi ay ka dhalatay kadib markii cadaadis uu wasiirka warfaafinta Soomaaliya Abokor Cismaan Dube, kaga yimid xafiiska raysal wasaare Rooble.

Kaasoo amar ku bixiyayay in warka magacaabista madaxweyne Farmaajo laga saarro boggaga Internet-ka ee wasaaradda warfaafinta, taasoo keentay in isla markiiba si deg deg ah looga saaray.

Dhinaca kale xaaladda guud ee magaaladda Muqdisho ayaa maanta iska degan, iyadoo noloshuna ay si caadi ah u socoto, isla markaana ay si caadiya u shaqaynayaan gaadiidka dadweynaha, xarumaha caafimaadka, jaamacadaha iyo dugsiyadda waxbarashadda.

Hase yeeshee dadweynaha magaaladda Muqdisho ayaa si weyn u hadal haya arrintan khilaafka ka dhex taagan madaxweynaha iyo raysal wasaaraha Soomaaliya.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Ma doonaysaa inaan Saddaqo ku Darsato Masaajid?

Magaalada Kassel ee Dalka Germany oo ay Deganyihiin qiyaastii Somalida ugu badan Dalkani waxaa ka socda Khayr fara-badan oo mudan in lagala Qayb qaato. Gudida...

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir