Friday, March 29, 2024
HomeWararkaMadaxweyne Biixi Oo Qaabilay Masuulin Ka Socday UK+ Sawirro

Madaxweyne Biixi Oo Qaabilay Masuulin Ka Socday UK+ Sawirro

    

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kulan la qaatay masuulin ka kala socday xafiiska horumarinta mashaariicaha dalka UK,  iyo shirkada Trade Mark East Africa (TMEA).

Sidaasina waxaa lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyadda Somaliland.

War-saxaafadeedkaasina waxa uu u dhignaa sidan:

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo kulan la qaatay masuulin ka kala socda xafiiska horumarinta mashaariicaha  Dalka Uk, shirkada Trade Mark East Africa (TMEA) iyo xafiiska Uk ay ku leedahay Jamhuuriyada Somaliland.

Waxaana kulankaa lagaga wada hadlay dardar-gelinta dhismaha waddada Berbera Corridor oo isku xidhi doonta, marin ganacsiyeedka Tog-wajaale iyo Berbera, oo ay barbar socoto dhismaha waddada Hargeisa Bypass. Sidoo kale waxa laga wada hadlay mustaqbalka wixii la iska kaashan karo ee ay ka mid tahay horumarinta kaabayaasha ganacsiga.

Waxa kale oo lagu lafo-guray kulankaasi qodobo ay ka mid yihiin horumarinta kastamyada waa weyn ee  kuyaala xuduudaha dalk, si loo fudaydiyo  Allaabooyinka ganacsi ee isaga gudbaya dalalka Geeska Afrika iyo fursadaha kale ee maalgashi ee la xidhiidha horumarinta ganacsiga iyo kaabayaasha dhaqaale.

Waxaana madaxweynaha kulankaasi ku wehelinaayey wasiirradda wasaaradaha Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka, mudane Cumar Cali Cabdillaahi Bade,  Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka mudane Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed Ataash, Ganacsiga iyo Dalxiiska, Mudane Maxamuud Xasan Sacad (Saajin).

Dhinaca masuuliyiinta madaxweynuhu qaabiley waxay kala yihiin, Frank Matsaert, Dominic McVey, Damon Bristow, Chris Loughran, Stuart Brown, Abdi Osman iyo Cris Pym.

ALLAA MAHAD LEH

 

Xafiiska Warbaahinta Madaxtooyada JSL

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)
Exit mobile version