Sunday, March 26, 2023
HomeWararkaDugsi Xukuumadda Somaliland Ka Hirgelisay Laascaanood Oo Wasaaradda Waxbarashadda Lagu Wareejiyay

Dugsi Xukuumadda Somaliland Ka Hirgelisay Laascaanood Oo Wasaaradda Waxbarashadda Lagu Wareejiyay

    

Maamulka gobolka Sool, ka degmadda Laascaanood ayaa maanta wasaaradda waxbarashadda ku wareejiyay dugsi waxbarasho oo ay xukuumadda Somaliland ka dhistay xaafadda Shacabka ee magaaladda Laascaanood.

Kaasoo ay maamulka gobolka Sool  iyo ka degmadda Laascaanood maanta si rasmi ah ugu wareejiyeen masuuliyiinta wasaaradda waxbarashadda ee gobolka Sool.

Dugsigaasi oo ah dugsi hoose dhexe oo muddo hore xidhmay balse kadib markii ay xukuumadda Somaliland dib u dhistay maanta dib loo furay.

Wareejinta dugsigaasi waxaa ka soo qayb galay badhasaabka gobolka Sool, maayarka degmadda Laascaanood, guddoomiyaha waxbarashadda ee gobolka Sool, isu-duwaha wasaaradda waxbarashadda ee gobolka Sool iyo masuuliyiin kale.

Badhasaabka gobolka Sool C/qani Maxamuud Jiidhe, ayaa isna tilmaamay in halka laga dhisay dugsigani ay markii hore ahayd xaruntii maamulka gobolka Sool, kaasoo ay wasaaradda arrimaha guduhu ku wareejisay wasaaradda waxbarashadda Somaliland.

Iyadoo kadibna imika halkaasi laga dhigay dugsi waxbarasho oo hoose dhexe, kaasoo ay  xukuumadda Somaliland dhawaan dib u dhis ku samaysay.

Badhasaabka ayaa u mahad celiyay xukuumadda dhexe ee Somaliland gaar ahaana wasaaradda waxbarashadda oo dib u dhiskaasi ku samaysay dugsigaasi, oo imika shaqaynaya.

Guddoomiyaha waxbarashadda ee gobolka Sool Daahir Maxamed Axmed, ayaa xukuumadda Somaliland uga mahad celiyay hirgelinta dugsigaasi oo uu tilmaamay in bulshadda ku nool xaafadda Shacabka ee magaaladda Laascaanood ay baahi weyn u qabeen.

Waxaanu sheegay guddoomiyuhu in dugsigaasi uu si rasmi ah u furan yahay, isla markaana furihiisii lagu wareejiyay maamulaha uu yeelanayo dugsigaasi.

Sidoo kale maayarka magaaladda Laascaanood ayaa isna sheegay in ay ka dawlad hoose ahaan ka go’an tahay tayaynta, isla markaana ay muhiimadda koowaad siinayaan horumarinta waxbarashadda hoose ee degmadda Laascaanood.

 

 

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)