fbpx
Friday, March 29, 2024
HomeWararkaCiidamadda Somaliland Oo Qabatay Koox Ajaanib ah Oo Ku Hawlanaa Daabicista Lacaggo...

Ciidamadda Somaliland Oo Qabatay Koox Ajaanib ah Oo Ku Hawlanaa Daabicista Lacaggo Foojeri ah

    

Ciidamadda laanta socdaalka iyo ilaaladda xuduudaha ee Somaliland ayaa gacanta ku soo dhigay xubno ajaanib ah oo la sheegay in ay ku hawlanaayeen daabicidda lacago Foojeri ah.

Iyadoona maanta lagu soo bandhigay xarunta guud ee Ciidamadda laanta socdaalka iyo ilaaladda xuduudaha ee Somaliland Hargaysa kooxdaasi oo ka kooban shan qof.

Kuwaasoo la sheegay in afar ka mida ay u dhasheen dalka Nigeria, halka midka shanaad na aan weli la cadaynin jinsiyadiisa rasmiga ah.

Waxaana lagu eedeeyay kooxdaasi in ay dalka soo gelinayeen qalabka lagu farsameeyo lacagaha foojeriga ah, gaar ahaana lacagta dollarka ah ee madow, kadibna ay daabacaan.

Xubnahan ayaa la sheegay in ay dalka ka soo galeen xuduudaha dhinaca garroomadda diyaarradaha iyo xagga xuduudka dhulkaba.

Sida uu sheegay taliyaha guud ee ciidamadda socdaalka iyo ilaalaadda xuduudaha ee Somaliland sareeye guud Maxamed Cismaan Caalin (dayib).

Waxaanu xusay in mudadii ay dalka ku sugnaayeen in ay ciidamadu ku dabo jireen, isagoona u mahad naqay ciidamadda booliska oo gacan ka siiyay soo qabashadda nimankaasi iyo saraakiil ka tirsan baanka dhexe ee Somaliland.

 

 

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)