fbpx
Saturday, June 3, 2023
HomeWararkaMasuuliyiin Badan Oo Ka Cabsi Qaba Isku Shaandhayn Cusub Oo Kuraastooda Galaafata...

Masuuliyiin Badan Oo Ka Cabsi Qaba Isku Shaandhayn Cusub Oo Kuraastooda Galaafata Iyo Kooxo CV-yadooda La Gaaf-wareegaya Goobaha Madaxtooyada Laga Taageero!

Tani waxa ay keentay in qaar badan oo ka tirsan Agaasimayaasha guud ee wasaaradaha kala duwan iyo maareeyayaasha hay’adaha dawladdu noqdaan kuwo joog iyo jiifba diida oo mar walba dadaal ugu jira sidii ay mansabyada ay fadhiyaan u xejisan lahaayeen si taasi u dhacdana ay noqdaan kuwo is muujiya oo ka ag dhawaada Madaxweynaha iyo hadba cidda aadka ugu dhaw sida Wasiirrada sida weyn ugu dhaw Madaxweynaha.

Wariye ka tirsan wargeyska Foore oo xaaladdan u kuur galay ayaa noo xaqiijiyey in labadii maalmood ee ugu dambeeyey ay mashquul gaara ahaayeen xafiisyada Wasiirrada sida weyn ugu dhaw Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi gaar ahaan Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Maxamed Kaahin Axmed. Waxa wasaaraddaasi gaalaa baxayay xubno badan oo isugu jira Agaasimayaal iyo madaxda hay’adaha dawladda oo muujinaya dadaallo ay kaga hor tagayaan seefta Madaxweynaha, kana hoos galaan mar walba cidda Madaxweynaha u dhaw oo ay miciin bidaan.

Dhinaca kale taa baddalkeeda waxa jira xubno badan oo durba bilaabay dhaqdhaqaaqyo ay dadaalkooda oo dhan isugu gaynayaan sidii ay CV-yadooda u gaysan lahaayeen Madaxtooyada, kuwaasi oo bilaabay in ay dhaqdhaajiyaan cid kasta oo ay ku tuhmayaan in ay waraaqahooda shaqo doon u gaadhsiin karaan miiska Madaxweynaha iyaga oo quudda-raynaya xilalka uu madaxweynuhu magacaabi doono. Huteellada iyo goobaha ay inta badan yimaaddaan masuuliyiinta dawladda iyo dadka ka ag dhaw Madaxtooyadu ayaa mashuul ahaa maalmihii ugu dambeeyey iyada oo ay soo buux dhaafiyeen kooxo xil raadis ahi.

Lama oga wakhtiga uu Madaxweynuhu wax ka baddal ku samayn doono xilalka hay’ado badan oo la filayo in uu masuuliyiintooda ku sameeyo isku baddal, magacaabis iyo xilka qaadisba. Isaga oo ku guda jira in uu dhiso xukuumaddiisii ugu dambeysay ee wakhtiga kaambaynka doorashada Madaxweynaha oo sannadka dambe qabsoomaysa.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)