fbpx
Friday, April 19, 2024
HomeWararkaWaa in la soo celiyo barnaamijkii qanci dadkaaga si bulshadu loogu soo...

Waa in la soo celiyo barnaamijkii qanci dadkaaga si bulshadu loogu soo bandhigo waxyaabaha ay qabteen”

    

Wasiirka wasaaradda beeraha Somaliland Axmed Muumin Seed, ayaa ku taliyay masuuliyiinta xukuumadda ee xilalka haya looga baahan yahay in waxyaabaha ay u qabteen qaranka in ay bulshadda u soo bandhigaan.

Waxaanu sheegay in si arrintaasi loo suurto geliyay in dib loo soo celiyo barnaamijkii qanci dadkaaga ee hore uga bixi jiray TV-ga qaranka Somaliland si ay dadweynuhu su’aalo u waydiiyaan masuuliyiinta dawladda ee xilalka haya.

Axmed Muumin Seed, waxa uu sidan ka sheegay khudbad uu ka jeediyay kulanka wadda tashiga wacyigelinta qaranka, kaasoo ay soo qaban qaabisay, isla markaana qabatay wasaaradda warfaafinta Somaliland.

Wasiir Seed, waxa kaloo uu tilmaamay in ka wasaarad beerro ahaan mudadii uu xilka hayay in ay wada shaqayn fiican la leeyihiin, si ay bulshadda ugu soo bandhigaan waxyaabaha u qabsoomay wasaaradda beeraha.

Wasiir waxa kaloo uu sheegay intii mudadii uu wasaaradda joogay inuu dar-dar gelin badan  ku  sameeyay in ay warbaahinta dawladda ka baahiyeen barnaamijyo badan oo wax qabad ah.

Balse markii uu arkay in wasaarradihii kale ee dawladda oo aan warbaahinta ku badnayn darteed uu isaguna ka gaabsaday inuu warbaahinta si aad ah ugu baahiyo waxyaabaha u qabsoomay.

Geesta kale Axmed Muumin Seed, waxa uu soo jeediyay in loo baahan yahay in siyaasadda isku jawaabidda ee  siyaasiyiinta ama salaadiinta dhaqan laga gudbo.

Sidaas darteedna ay ka qurux badan tahay in wasaarad waliba ay soo bandhigto wixii ay qaranka u qabatay, si taasi looga baxana la sameeyo barnaamijyo ay siyaasiyiintu bulshadoodda kula hadlaan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Ma doonaysaa inaan Saddaqo ku Darsato Masaajid?

Magaalada Kassel ee Dalka Germany oo ay Deganyihiin qiyaastii Somalida ugu badan Dalkani waxaa ka socda Khayr fara-badan oo mudan in lagala Qayb qaato. Gudida...

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir