Friday, March 29, 2024
HomeWararkaSomaliland Oo Shaacisay Inay Si Xawli ah U Korodhay Tiradda Dhimashada Covid-19

Somaliland Oo Shaacisay Inay Si Xawli ah U Korodhay Tiradda Dhimashada Covid-19

    

Xukuumadda Somaliland ayaa shaacisay todobaadkii u danbeeyay ay sare u kacday kiisaska iyo faafitaanka xanuunka CoronaviruWasirka wasaaradda caafimaadka Somaliland Dr. Cumar C/laahi Bede, ayaa sheegay in labadii maalmood ee ina dhaafay ay so weyn sare ugu kacday saamaytiisu.

Kaaaoo tiradda dhimashadu sideed iyo afartii saacadood ee u danbeeyay ay gaadhay afar qof, halka sidoo kalena ay korodhay tiradda dadka laga helay markii la baadhay.
Korodhkan ku yimid faafitaanka Covid-19 ee Somaliland ayaan weli si cad loo kala cadayn karin inuu yahay kii hore iyo mid cusub oo ka mida mawjadda saddexaad ee xanuunkaasi oo wadamo badan oo dunida ah farro baas ku haya.
Balse kala cadaynta arrinkaasi ayuu wasiirka caafimaadka Somaliland sheegay in ay baadhitaan ku hayaan, isla markaana ay la kaaahanayaan haayadaha caalami ah ee ay wada shaqaynta leeyihiin gaar ahaana WHO.


Dr. Cumar C/laahi Bede, waxa uu sidan ka sheegay hadal uu ka jeediyay shirka todobaad laha ah ee heer qaran ee gargaarka gurmadka deg-dega ah ee xanuunka Coronavirus.
Shirkaasi oo uu shor-guddoominayay wasiirka caafimaadku ayaa ka qabsoomay xarunta wasaaradda ee magaaladda Hargaysa.
Geesta kale wasiir Bede, waxa uu sheegay in ka wasaarad ahaan ay  hawl geliyeen dhamaanba xarunaha iyo cusbitaaladda dalka si loola dagaalamo mawjadan cusub ee xanuunka Covi-19.
Waxaanu ugu baaqay bulshadda in ay u hogaansamaan oo ay raacaan tallooyinka wasaaradda caafimaad ee lagaga gaashaamanayo faafitaanka Coronavirus.

Isagoona dadweynaha kula taliyay in ay qaataan talaalka xanuunkaasi oo ku diyaar ah dhamaanba cusbitaaladda iyo xarumaha caafimaadka ee goboladda dalka, kaasoo ay bulshadu ku heli karaan si bilaash ah.
Cumar C/laahi Bede, waxa kaloo uu sheegay in ay ka wasaarad ahaan qaadayaan tallaabooyin ay kaga hor tegayaan xakamaynta mawjadan cusub ee Covid-19.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)
Exit mobile version