Tuesday, April 16, 2024
HomeWararkaMadaxweyne Ku-Xigeenka Oo Dhagax Dhigay Xarunta Cilmi Baadhista iyo Tayeynta Dhirta

Madaxweyne Ku-Xigeenka Oo Dhagax Dhigay Xarunta Cilmi Baadhista iyo Tayeynta Dhirta

    

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland  C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta Dhagax dhigay Xarunta Cilmi baadhista iyo tayeynta Dhirta ee Deegaanka Geed-deeble.

Xaruntan oo ay hirgalisay Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Miyiga ayaa Munaasibada loo sameeyay dhagax dhigideeda waxaa ka qayb galay oo kale Xubno ka mid ah Gollaha Wasiiradda.
Karti sharaf ka kala socday haayado Caalami ah iyo kuwo maxali ah, jaamacadaha Dalka qaarkood iyo Saraakiisha Safaarada Thaiwan Ee S/land.


Waxaa halkaasi ka hadlay Wasiiradda Deegaanka Marwo Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare, Warfaafinta  Saleebaan Yuusuf Cali Koore, Maaliyadda Sacad Cali Shire, iyo Qorshaynta Qaranka Xasan Maxamed Cali Gaafaadhi oo tilmaamay Muhiimada Xaruntan.

Wasiirku waxay sheegeen in Xaruntani ayaa wax weyn ka Tari doonto barashada Dhirta kala duwan ee Somaliland ku taala, Iyo Dalxiiska,  Isla markaana ay noqon doonto Meelaha ay xogta raadinta iyo Cilmi-baadhista ku sameeyaan Ardayda Somaliland iyo Kuwa Jaamacadaha Dunida ee barta Culuumta La Xidhiidha Deegaanka ìyo Beeruha.

Madaxweyne ku xigeenka C/raxmaan Saylici  oo gabo gabadii halkaas ka hadlay ayaa Sheegay in Xarunta Cilmi baadhista dhirtu ay noqon doonto mid daraasado ku samaysa dhirta kala duwan ee ALLE SWT ku galaday dalka Jamhuuriyadda Somaliland.


Waxaanu Madaxweyne xigeenku amaan u soo jeediyey Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Miyiga ee hirgalinaysa Xaruntan.

Xaruntan Cilmi baadhista dhirta lagu samayn doono ee laga hirgalinayo deegaanka Geed Deeble ay noqon doonto tii Sadexaad ee laga hirgaliyo Mandaqada geeska Africa iyadoo labada Xarumood ee kale ay ku yaalaan dalalka Ethiopia iyo Sudan.

Xaruntan ayaa wax weyn ka Taraysa barashada Dhirta kala duwan Somaliland.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Ma doonaysaa inaan Saddaqo ku Darsato Masaajid?

Magaalada Kassel ee Dalka Germany oo ay Deganyihiin qiyaastii Somalida ugu badan Dalkani waxaa ka socda Khayr fara-badan oo mudan in lagala Qayb qaato. Gudida...

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir
Exit mobile version