fbpx
Saturday, April 20, 2024
HomeWararkaMadaxweyne Biixi oo Lagu Amaanay Laba Go’aan oo Horleh oo Uu Fuliyay

Madaxweyne Biixi oo Lagu Amaanay Laba Go’aan oo Horleh oo Uu Fuliyay

Madaxweyne Biixi
Madaxweyne Biixi
    

Muwaadiniin jeelka dhexe ee Hargeysa ugu xidhnaa xukun dhaaf sannado ah, kaddib markii ay dhamaysteen wakhigii ay xadhigooda u cayimeen hay’addaha garsoorku, ayaa laga sii daayey todobaadkii hore xabsiga, kaddib markii sida ay sheegeen markii la soo daayey xubno kamid ah oo warbaahinta la hadlay uu cafis u fidiyey Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Muwaadiniintan ah shan Nin u xidhnaa falal Argagixiso, dhamaystayna xadhigooda sannado ka hor, balse iyadoon xukun dambe ku dhicin iska sii xidhnaa, ayaa waxa ay qaarkood xidhnaayeen dhowr iyo labaatan sannadood.

Inkasta oo aanay wali Xukuumadda Somaliland wax war ah oo rasmiya ka soo saarin sifaha sii deynta Maxaabiistan xabsiga ku muddo-dhaafay, hase yeeshee in madaxweynuhu cafiyey ay tahay arrin run ahaanshiyaheedu sugan yahay, ayaa haddana guud ahaan dalka si weyn looga soo dhaweeyey go’aanka xoriyadooda loogu celiyey, maadaama oo ay dhamaysteen xukunkii ciqaabta ahaa ee lagu xukumay.

Hore Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi waxa uu cafis madaxweynaha ugu sii daayey 19 Maxbuus oo u dhashay dalka aynu jaarka nahay ee Soomaaliya oo u xidhnaa falal budhcad baddeednimo, kuwaasoo heshiis xabsi ku hayn ah looga soo wareejiyey Jasiirrada Seychelles oo lagiu soo xukumay.

Go’aanka sii deynta shanta Nin ee reer Somaliland ee xabsiga ka soo baxay usbuucii tegay, ayaa waxa lagu tilmaamay mid lamida kii uu Madaxweynuhu ku sii daayey ragga Budhcad-baddeeda u xidhnaa, sida uu sheegay Ambasadoor Kaysar Cabdilaahi Maxamed oo ah Siyaasi xilal kala duwan ka soo qabtay Xukumaddihii dalka soo maray, ahna khabiir diblomaasiyada iyo xidhiidhka Caalamiga ah ku takhasusay oo degen dalka Ingiriiska.

Ambasadoor Kaysar oo qoraal dheer oo uu arrintaasi kaga hadlay, ayaa dambi iyo meel ka dhac xuquuqda aadamaha ah ku tilmaamay in xabsiga lagu sii hayo dad dhamaystay xukunkii sharciga ahaa, sidaasi awgeed in madaxweynuhu talaabadaasi qaadaa ay waajib ku ahayd.

Siyaasigan, ayaa sidoo kale sheegay inay Somaliland gef iyo xaq-darro caalamku kula kacay ku tahay in dusha loo saaro masuuliyadda la-dagaalanka Argagixisada iyo Budhcad-baddeeda, iyadoo aan la siin waxa ay xaqa u leedahay oo ah aqoonsi caalami ah iyo dhaqaale u qalma masuuliyadda baaxada weyn ee xaasaasiga ah.

Danjire Kaysar Maxamed Cabdilaahi, ayaa qoraalkiisa ku bilaabay sidan:-

“29kii bishii July ee sanadkii 2019 ayay ahayd markii Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu soo saaray Amar uu ku cafiyay 19 qof oo budhcad baddeed ah oo reer Soomaaliya ah, oo ay soo xukuntay maxkamad ku taala Dalka Seychelles, ka dibna loo soo wareejiyay Xabsiga dhexe ee Hargeysa.

Maxaabiistaas oo aan shakhsiyan ku booqday Jeelka marar kala duwan, waxay u badnaayeen dhalinyaro, waxaanay ii sheegeen inay badankoodu kaluumaysato ay ahaayeen oo ay badahooda ka difaacanayeen doonyaha shisheeye ee xada khayraadka baddaha soomaaliya, waxa kale oo ay ii sheegeen in badankoodu aanay wax rafcaan ah ka qaadan dembiyada lagu helay, maadaama ay aad u baqanayeen, xukunka ay Maxkamada Seychelles ku riday budhcad badeedaas ayaa qaarkood gaadhsiisnaa 40 Sanadood.

Madaxweyne Muuse Biixi isaga oo fahamsanaa culayska ay lahayd sii deynta maxaabiis heshiis caalami ah lagula galay Dawlada Somaliland, oo xataa aanay u furnayn inay kiiskooda dib u eegaan Maxkamadaha Somaliland, ayuu hadana ku dhiirraday inuu xabsiga ka sii daayo 19 maxbuus ee budhcad baddeeda u xidhnaa oo magacyadoodu kala ahaayeen:

1) Maxamed Axmed Ciise

2) Cadow Cali Cismaan

3) Cabdillaahi Yuusuf Xirsi

4) Axmed Cali Cismaan

5) Axmed Cali Siciid

6) Maxamed Axmed Cali

7) Bashiir Khaliif Xaashi

Cabdirisaaq Maxamed Cali

9) Cabdifataax Axmed Xasan

10) Nuur Maxamed Aadan

11) Jamaal Maxamed Cali

12) Cali Maxamed Cali

13) Cabdillaahi Maxamed Xasan

14) Cabdi Tahliil Xasan

15) Daahir Cabdillaahi Warsame

16) Cabdiqaadir Cabdi Cali

17) Cabdinuur Xaaji Aadan

18) Maxamed Maxamuud Xasan

19) Abuukar Axmed Ciise

Xukuumada Somaliland inta ay si fiican u sii sooryeeysay ayay Maxaabiistaas u kiraysay diyaarad gaar ah oo u qaaday dadkoodii iyo deegaanadoodii.

Inkasta oo aanay go’aankaas jeclaysan Dawladahii Maxaabiista ku soo wareejiyay Somaliland, hadana waxa uu ahaa go’aan ay ku farxeen Ummada Soomaalida ah ee dunida dacaladeeda ku nool”

Isagoo qoraalkiisa sii wada waxa uu intaasi ku daray Siyaasi Kaysar Cabdilaahi “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu Cafis u fidiyay xubnaha hoos ku qoran oo xukun maxkmadeed uu ku dhacay oo sannado badan Xabsiga ku jiray iyaga oo dhamaystay mudadii xukunkooda, balse ahaa qaar Jeelka lagu hayay.

Maxaabiistaas muddo dhaafka ku xidhnaa ee Jeelka ku raagay oo ay qaarkood xidhnaayeen Labaatan Sanadood in ka badan, waxay kala yihiin;

1 Dauud Saalax iidle

2 jaamac Guutiye

3 Cabdiraxmaan indhacade

4 Cabdiraxman Diyo

5 Cabdilaahi Maxamuud Yuusuf.

Dembi ka culusi ma jiro in qof aadami ahi uu Jeel ku sii jiro isaga oo dhamaystay mudadii lagu xukumay, waxaanay ahayd in wakhti hore la sii daayo Maxaabiistaas, laakiin loo sameeyo istiraatajiyad lagula socdo oo laamaha ammaanku ay isha ku hayaan, si looga hor tago hadii ay mar kale isku dayaan inay fal dambiyeedyo ku kacaan.

Madaxweyne Muuse Biixi waxa uu qaatay go’aamo dhaxal gal ah oo geesinimo ah oo aan habrasho lahayn oo aan laga filayn in Madax Afrikaan ahi uu qaadan lahaa, marka la eego labadaa go’aan ee culayska weyn lahaa ee uu ku sii daayay Budhcad Badeeda iyo Argagixisada.

Jamhuuriyada Somaliland ma noqon karto Dal keligii dhabarka u rita oo Xambaara Culaysyada Budhcad-badeeda iyo Argagixisada, balse waxa ku waajib ah Dawladaha Caalamka gaar ahaan Wadamada EU, UK iyo USA inay gacan buuxda Iyo dhaqaale culus ay ku taageeraan Somaliland. Cidina xaq uguma laha inay Somaliland ka filato inay keligeed u babac dhigto oo ay gaashaan u noqoto dunida, haddii aanay helin aqoonsi buuxa iyo taageero dhaqaale oo caalami ah.

Ugu danbayn aad ayaan ugu hambalyaynayaa Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland go’aamadaas culayska leh ee uu ka badheedhay”ayuu ku soo gabagabeeyey Qoraalkiisa Wasiir ku-xigeenkii hore ee Wasaaradda Qorsheynta oo marna ahaa safiirka Wareegga ee Somaliland.

  • Si kastaba ha ahaatee, maaha Siyaasigan oo qudha dadka soo dhaweeyey sii deynta Raggan Jeelka iskaga jiray iyada oo aan sifo sharci oo lagu sii hayaa soo bixin, balse tan iyo markii Arbacadii ooda laga qaaday, dadka ku doodda baraha bulshada ay arrintaan dareen soo dhaweyn ah ku qaadaa-dhigayey.
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Ma doonaysaa inaan Saddaqo ku Darsato Masaajid?

Magaalada Kassel ee Dalka Germany oo ay Deganyihiin qiyaastii Somalida ugu badan Dalkani waxaa ka socda Khayr fara-badan oo mudan in lagala Qayb qaato. Gudida...

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir