fbpx
Saturday, February 24, 2024
HomeWararkaShirkii Golaha Wasiirrada Somaliland Ee Maanta oo Diiradda Lagu Saaray Nabadgelyada iyo...

Shirkii Golaha Wasiirrada Somaliland Ee Maanta oo Diiradda Lagu Saaray Nabadgelyada iyo Miisaaniyadda 2022-ka

    

Fadhigii  78-aad golaha wasiirrada Somaliland oo uu shir-guddoominayey madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinayay madaxweyne ku xigeenka, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa warbiximo lagaga dhegeystay wasiirrada wassaaaradaha, Arrimaha Gudaha iyo horumarinta maaliyadda.

Ugu horrayna waxa warbixin laga dhegeystay wasiirka Arrimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed oo golaha xog ka siiyey nabadgelyada guud ee dalka iyo dedaallada ay ciidamadu ugu jiraan ka hortagga arrimaha la xidhiidha sugidda amniga iyo la dagaallanka mukhaadaraadka.

Sidoo kale, Wasiir Maxamed Kaahin waxaa uu golaha la wadaagay in la sii xoojiyay la socodka arrmaha ka socda mandaqada Geeska Afrika.

Waxa isna golaha warbixin la xidhiidha nidaamka iyo habraaca miisaaniyad sannadeedka 2022 golaha la wadaagay wasiirka horumarinta maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire, dood iyo falanqayn dheer ka dibna waxa xubnaha golaha wasiirradu u soo jeediyeen wasiirka talooyin la xidhiidha miisaaniyadda qaranka Somaliland.

Ugu danbayntiina wasiirka oo ku guda jira sharraxaada miisaaniyad sannadeedka ayaa xusay in sannadkan boqolkiiba labaatan (20%) la kordhin doono mushaharka dhammaan ciidamada qalabka sida.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)