fbpx
Friday, March 29, 2024
HomeWararkaDagaal Culus oo U Dhexeeya Soomaalida iyo Canfarta oo Ka Socda Gobolka...

Dagaal Culus oo U Dhexeeya Soomaalida iyo Canfarta oo Ka Socda Gobolka Sitti

    

Wararka ka imanaya Galbeedka Gobolka Sitti ee Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya, ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi uu ka socda dagaal xoogan oo maalintii labaad oo xidhiidh ah galay oo u dhaxeeya Soomaalida iyo Canfarta.

Dagaaladan, ayaa wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo waxaa ay sheegayaan in ciidamada Soomaalidu ay guul ka gaadheen dagaalkaasi oo ay isku fidiyeen deegaano badan.

Wararka, ayaa waxaa ay sheegayaan in Deegaanada ay ciidamada Soomaalidu isku fidiyeen ay kala yihiin Roto, Tarayna, ilaa Birta-dheer, oo u dhow magaalada Cadayti.

Deegaanadan ay Soomaalidu qabsadeen, ayaa waxaa la sheegay inay ku xoogan yihiin Canfartu, iyada oo uu dagaalku ka dhashay khasaaro xoog leh oo iskugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Sidoo kale, wararka, ayaa intaa ku daraya in dagaalka ay ku dhinteen inta la xaqiijiyay in ka badan 15 qof, halka ay ku dhaawacmeen illaa 40 Qof, sida ay xaqiijiyeen saraakiil dhinaca caafimaadka ah.

Dagaalkan, ayaa waxaa uu u dhexeeyaa Xoolo Dhaqatada Soomaalida ah iyo maleeshiyo ka soo jeedda deegaanka Canfarta.

Waxaana lagu soo waramayaa in Laba dhinac ee uu dagaalku u dhaxeeyo ay soo kala gaadheen gurmad xoog leh, waxayna la sheegay in ciidamada dagaalamaya ay u badan yihiin xoolo dhaqato iyo Beeralay.

Dagaaladan u dhexeeya Soomaalida iyo Canfarta, ayaa yimid kadib markii Canfartu ay weerareen dad Soomaali ah oo ku sugan degaanadooda.

Wixii warara ee ka soo kordha waan idiin soo gudbin doonaa….

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)