fbpx
Saturday, April 20, 2024
HomeWararkaXukuumadda oo Kordhisay Tirada Xarumaha Caafimaad Ee Gobolka Sanaag

Xukuumadda oo Kordhisay Tirada Xarumaha Caafimaad Ee Gobolka Sanaag

    

Xukuumadda Somaliland, ayaa waxaa ay laba jibaar in ka badan kordhisay xarumaha adeegyada caafimaad ee gobolka Sanaag, iyada oo islamarkaana ka hirgelisay Cisbitaalo casri ah oo gobolka ka hawl gala.

Dr Xasan Axmed Saalax isu duwaha caafimaadka gobolka Sanaag, ayaa iftiimiyay tirada xannaanooyinka gobolka ka shaqeeya iyo inta ay ku kordhisay Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Isuduwaha wasaaradda horumarinta caafimaadka gobolka Sanaag Dr Xasan Axmed Saalax oo safar shaqo ku tegay gobollada bari, ayaa waraysi gaar ah oo siiyay Wargeyska dowladda ee Dawan, waxaa uu ugu horrayn isagoo ka hadlaya xaaladda  caafimaadka guud ee gobolka Sanaag,ayaa yidhi.“Caafimaadka guud ee gobolku aad iyo aad ayuu u wanaagsan yahay xannaanooyinka imika noo shaqeeyaa waxay dhan yihiin soddon iyo saddex xannaano waxaa kale oo noo shaqeeya sadex Cisbitaal degmo oo  ku kala yaalla Ceel afweyn o Gar-adag iyo Badhan iyo cisbitaal heer gobol ah oo ku yaalla degada Ceerigaabo waxaa kale oo gobolka ka shaqeeya rugo caafimaad inkasta oo aanay aad u badnayn ama aan deegaano badan la gaadhsiin imika waxay dhan yihiin afar rug caafimaad waxaana noo qorshaysan in aanu soo kordhino oo aanu tuulooyinka gobolka oo dhan aanu gaadhsiino.

Waxaa kale oo jirta kooxo caafimaad oo la yidhaahdo Mobil Taem oo wareega oo mara dhulka iyo tuuliiyinka miyiga  iyo meelaha aan la gaadhi Karin gaadha taga oo ka shaqeeya.

Gobolku waa gobol aad u ballaadhan oo dhullkiisu kala fogyahay oo buularay u badan,waxaa noo jooga imika gaadiidka guradka deg degga ah illaa 15 Ambalaas oo aanu kaga hawl galno gurmadka deg degga ah.

Waxaa kale oo aad noogu adkaa ogsijiinta caafimaadka oo aanu Hargeysa u doonan jirmay laakiin wasaaradda caafimaadku waxay noo keentay mishiinkii Ogsijiinta oo noo shaqaynaya oo aanu kaga maaranay tii aanu Hargeysa haamaha kaga soo qaadanaynay.”ayuu yidhi.

Isuduwaha wasaaradda horumarinta caafimaadka gobolka Sanaag Dr Xasan Axmed Saalax, ayaa ka hadlay waxqabadka Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi ka hirgelisay gobolka Sanaag.

“Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi mudadii ay talada dalka haysay waxay gobolka ka qabatay wax aad u wayn dhanka caafimaadka markii ay timi Xukuumadda Muuse 12 Xannaano ayaa jiray maantana waxay marayaan 33, waxaa kale oo noo qorshaysan in aanu imika hir gelino 18 xannaano oo kale oo cusub.markaa fidin aad u fara badan ayaa lagu.”ayuu yidhi Isuduwaha wasaaradda horumarinta caafimaadka gobolka Sanaag Dr Xasan Axmed Saalax

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Ma doonaysaa inaan Saddaqo ku Darsato Masaajid?

Magaalada Kassel ee Dalka Germany oo ay Deganyihiin qiyaastii Somalida ugu badan Dalkani waxaa ka socda Khayr fara-badan oo mudan in lagala Qayb qaato. Gudida...

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir