fbpx
Saturday, June 3, 2023
HomeWararkaWaalidiinta iyo Ardayda Jaamacadda Barwaaqo oo Ka Jawaabay Eedaymo Loo Jeediyay Jaamacaddaasi

Waalidiinta iyo Ardayda Jaamacadda Barwaaqo oo Ka Jawaabay Eedaymo Loo Jeediyay Jaamacaddaasi

    

Guddiga sarre ee Dusiga Abaarso iyo jaamacadda Barwaaqo oo ay weheliyaan Ardayda waxka barata jaamacadda iyo Dusgigaasi iyo Waalidiintooda oo maanta warbaahinta la hadlay, ayaa waxaa ay jawaab kulul ka bixiyeen eedaymo loo jeediyay jaamacadda Barwaaqo iyo Dusgiga Abaarso.

Waxaana ay waxba kama jiraan ku tilmameen eedaha loo soo jeedinayo Dugsiga Abaarso iyo Guddoomiyaha jaamacadda Barwaaqo Joy Isa, oo looga shakiyay in ay diinta Masiixiga ku faafiso gudaha jaamacadda.

Sidoo kale, Ardayda iyo Waalidiinta, ayaa waxaa ay dadka faafinaya wararka ka dhan ka ah Guddoomiyaha jaamacadda Barwaaqo Isa, ku eedeeyay in ay dano kale leeyihiin, islamarkaana ay u jeedadoodu tahay in ay wax yeeleeyaan horumarka Somaliland.

Waalidiinta Ardaydaasi, ayaa waxaa ay sheegeen in ay maxkamad la tiigsan doonaan Cabdimaalik Muuse Coldoon, oo isagu sheegay in Joy Isa ay diinta Masiixiga ku faafinayso jaamacadda dhexdeeda, waxayna ku eedeeyeen in Coldoon uu sharafta caruurtooda meel kaga dhacay.

Maamulaha jaamacadda Barwaaqo, gabadha lagu magacaabo Joy Isa, ayaa dadka qaar ku eedeeyeen in ay diinta Masiixiga ka faafinaysay jaamacadda dhexdeeda.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)