fbpx
Saturday, June 3, 2023
HomeWararkaMaamulaha Jaamacadda Barwaaqo

Maamulaha Jaamacadda Barwaaqo

    

Dugsiga Abaarso, ayaa waxaa uu goor dhawayd war ka soo saaray arrinta haweenayda Joy Issa ee maamulaha Jaamacadda Barwaaqo.

Dugsiga Abaarso, ayaa waxaa kale oo ay sheegeen in aanay Joy Issa khilaafin xeerarka iskuulka u yaalla.

Sidoo kale, waxay soo dhaweeyeen baadhitaanka ay sheegeen in ay sameyn doonaan Wasaaraddaha Diinta iyo Waxbarashada Somaliland.

Wasaaradda Diinta iyo Aw-Qaafta Somaliland, ayaa bayaan ay soo saartay maanta ku sheegtay in ay babaadhis xaqiiqo-raadin ah ka bilowday Jaamacadaha Barwaaqo iyo Dugsiga Abaarso oo lagu eedeeyey inay ka jiraan falal lidi ku ah Diinta Islaamka.

Bayaan kooban oo maanta ka soo baxay Wasaaradda Diinta iyo Aw-Qaafta Somaliland, ayaa lagu sheegay in wasaaraha Diinta iyo Waxbarashada Somaliland ay baadhitaan ka bilaabeen labada jaamacadood, waxaana bulshada ugu baaqeen inay ka war-sugaan natiijada ka soo baxda.

Arrintan, ayaa ku soo beegmaysa kadib markii Madaxa jaamacadda Barwaaqo ee ka fircantay dugsiga Abaarso, gabadha lagu magacaabo Joy Isa, lagu eedeeyay in ay tahay baadariyad ka shaqaysa fidinta diinta Masiixiga islamarkaana waxaa looga shakiyay in ay diin faafin ka waday jaamacadda ay maamulka ka tahay.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)