Friday, March 24, 2023
HomeWararkaSoomaaliya oo Is-hortaagtay Diyaaradaha Flydubia iyo Air-arabia Inay Somaliland Duulimaadyo Ka Sameeyaan

Soomaaliya oo Is-hortaagtay Diyaaradaha Flydubia iyo Air-arabia Inay Somaliland Duulimaadyo Ka Sameeyaan

Soomaaliya oo

    

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, ayaa is-hortaagtay Diyaaradaha Flydubia iyo Air Arabiya inay duulimaadyo ka sameeyaan Somaliland.

Soomaaliya, ayaa waxaa ay sheegtay in diyaaradaha Flydubia iyo Air Arabia aanay duulimaadyo ka bilaabi karin garoomada diyaaradaha ee Somaliland, ilaa inta ay ogolaansho rasmi ah ka helayaan Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya.

Sida uu sheegay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Duulista Soomaaliya Axmed Macallin Xasan oo warqad soo saaray, labadan diyaaraddood ayuu sheegay in loo ogoleyn in duulimaadkooda bilaabaan illaa ay helaan ogolaanshaha hay’adda.

Warqadda ka soo baxday Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya, ayaa ku taariikheysan: July 31, 2021.

Xukuumadda Somaliland, ayaa iyadu dhawaan sheegtay in shirkadaha Flydubia iyo Air-arabia ay dib u bilaabi doonaan duulimaadyadoodii garoonka Hargeysa, kadib muddo ay hakad ku jireen.

Geesta kale, Maareeyaha Hay’adda Duulimaadyada Somaliland Cumar Sayid oo todobaadkan mar uu hortagay Golaha Guurtida, ayaa waxaa uu sheegay in aanay dawladda federaalka Soomaaliya awood u lahayn in ay maamusho Hawadda Somaliland ama in ay diyaaradaha Somaliland imanayo joojiso, islamarkaana ay Somaliland hawlaheedda maamulka hawadda u madax banaan tahay.

Waxaanu maareeyuhu sheegay in Somaliland ay weli ka dhur sugayso dhinaca Soomaaliya sidii qaybteedda looga siin lahaa dhaqaalaha maamulka hawadda.

Laakiin, haddii ay Soomaaliya arrintaasi waxba ka bedeli waydo in ay ka hay’add ahaan qorshe iyo siyaasad ka leeyihiin sidii ay Somaliland hawadeedda u maamulan lahayd.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)