fbpx
Friday, March 29, 2024
HomeWararkaMaayarka Baligubadle oo Xukuumadda Dhexe Bogaadiyay

Maayarka Baligubadle oo Xukuumadda Dhexe Bogaadiyay

    

Maayarka degmadda Baligubadle ee gobolka Hawd Maxamed Cabdi Maxamuud (Shiine), ayaa xukuumadda dhexe ee Somaliland ku bodaadiyay in ay dawladaha hoose ee dalka u sii daysay kabka ay siiso.

Lacagtaasi kabka ah ee ay xukuumadda dhexe siiso dawladaha hoose ee dalka oo dhan 12% ayaa saddexdii bilood hha mar loo sii daayo.

Wejiga koowaad ee lacagtaasi kabka ah ayuu sheegay maayarka Baligubadle in ay iyagu ka dawlad hoose ahaan uga faa’iidaysteen in ay ku soo iibsadeen agab kala duwan oo ay u baahnaayeen.

Waxaanu yidh8, “Waxaan aad iyo aad ugu mahad celinayaa xukuumadda uu hadh wadeenka ka yahay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, oo u sii daysay dawladaha hoose ee dalka, Kabkoodii ahaa 12% ee cashuurraha u soo hooyda Somaliland.
Taasoo haddii degmo waliba sida ay tahay ay uga faa’iidaysato, wax badan ay kaga faa’iidaysan karaan”.

Maayar Maxamed Cabdi Shiine, ayaa ka warbixiyay ka degmo ahaan waxa ay uga faa’iidaysteen lacagtaasi kabka ah ee aydawladda dhexe siiso dawladaha hoose ee dalka.

“Waxaa noo suurto gashay Kabkaasi in aanu ka amaahano dawlada dhexe lacag dhan $200,000 dollar. Anagoo ku salaynayna kabkayaga saddex bbiloodka ah ee noo soo dhacaya, oo aanu ugaga faa’oodaysanayno in aanu agab ku dirano. Agabka horaantiisu wuxuu noo imanayaa Sabtida ama Axada todobaadkan, haddii ALLE SWT idmo.

Waxaanu lacagtaasi kabka ah ku dalbanay hal Grider, hal Rugley, iyo laba Tanker, oo Iska-rogooyinka waaweyn ah” ayuu yidhi maayar Shiinne.

Maayarka Baligubadle oo warbaahinta dawladda Somaliland ugu waramay magaaladda Hargaysa oo uu kaga qayb galay tababar loo qabtay goleyaaaha deegaanka ee  shan degmo oo dalka ka mid ah.

Tababarkaasi oo ka qabsoomay magaaladda Hargaysa ayaa loo qabtay dawladaha hoose ee degmooyinka Hargaysa, Boorama, Gabiley, Salaxley, iyo Baligubadle.

Kaasoo la xidhiidhay nidaamka maamulka dawladaha hoose ee dalka gaar ahaana qodobka 23aad ee lagu kala hagayo awoodaha maayarrada iyo xildhibaanadda goleyaaaha deegaanka dalka.

Geesta kale Maxamed Shiine, ayaa ugu bbaaqay dawladaha hoose ee dalka in ay sida ugu haboon uga faa’oodaystaan lacagta kabka ah ee ay xukuumadda dhexe siiso dawladaha hoose.

Waxaanu sheegay in ay iyagu ka degmo ahaan lacagtaasi kabka ah u qorsheeyeen in ay uga faa’iidaystaan saddex qodob.

Waxaanu yidhi “Anagu saddex biloodkii ugu horeeyay imika waxaanu soo dhignay saddex qorshe. Kuwaasoo kala ahaa agabka iibka, Master plan-ka oo aanu samaynayno, iyo dhismeyaasha. Saddexdaas qodob na si qurux badan ayay noogu soo dhamaadeen”.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)