fbpx
Saturday, June 3, 2023
HomeWararkaErdogan oo Wacad Ku Maray In Aanu Turkigu Noqon Doonin Meel Yurub...

Erdogan oo Wacad Ku Maray In Aanu Turkigu Noqon Doonin Meel Yurub Loogu Keydiyo Qaxootiga

     Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan, ayaa ku boorriyay waddamada Yurub inay qaadaan mas’uuliyadda muhaajiriinta ka imanaya Afghanistan, isagoo intaas ku daray in Turkigu aanu aheyn “qaybta kaydinta muhaajiriinta ee Yurub”, xilli ay dalkaas ay ka jiraan qalelaase kaddib qabsashadii Taalibaan.

Tan iyo markii Taalibaan ay soo gashay magaalada caasimadda ah ee Kabul, muuqaallo fowdo ah, ayaa soo ifbaxay, iyadoo kumanaan reer Afghanistan ah ay doonayaan inay ka baxaan dalkooda, iyagoo ka baqaya in Taalibaan ay ku soo rogto xukun la mid ah midkii 20 sano kahor.

Kumanaan qof, ayaa sidoo kale u soo tallaabay dalka Turkiga toddobaadyadii la soo dhaafay.

Isagoo khamiistii ka hadlayay shirka golihiisa wasiirada, ayuu Erdogan sheegay in Yurub looga baahan yahay inay qaadato mas’uuliyadda dadka reer Afgaanistaan ee ka cararaya dhibaatada waddankooda, isagoo intaas ku daray in Ankara ay tallaabooyin ka qaaday xudduudaha ay la leedahay Iran oo ah marin muhiim u ah muhaajiriinta Afghanistan ee soo gala Turkiga.

Waxa uu sidoo kale Erdogan sheegay inay dhici karto in Turkigu uu wadahadal la yeesho dowladda cusub ee ay soo dhisi doonto Taalibaan, si ay uga wada xaajoodaan wuxuu ugu yeedhay “ajendeyaashayada guud”.

Reuters.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)