fbpx
Friday, April 19, 2024
HomeWararkaCanada: Soomaaligii Ugu Horreeyay oo Ka Mid Noqday Baarlamaanka Gobolka Nova Scotia

Canada: Soomaaligii Ugu Horreeyay oo Ka Mid Noqday Baarlamaanka Gobolka Nova Scotia

    

Cali Ducaale oo qaxooti ahaan ku tagay dalka Canada, ayaa noqday qofkii ugu horeeyay ee Muslim ah, Soomaali ah oo ka mid noqda xildhibaannada Baarlamanka gobolka Nova Scotia ee dalka Canada.

Cali Ducaale oo xirfaddiisu ay tahay dab-damis, sidoo kalena muddo caawinayay dhallinyarada iyo bulshada xaafadda laga doortay ee Halifax Armdale, ayaa helay 40.2% codadkii la dhiibtay.

Julie Melanson oo ka tirsan xisbiga NDP, ayaa heshay 34.2%, halka Richard MacLean oo ka tirsan xisbiga Progressive Conservative ee ku guuleystay talada gobolka uu helay 22.1%.

Cali Ducaale, ayaa afareynaya, saddex qof oo kale oo madow ah oo doorashada ku guuleystay, waana tiradii ugu badneyd ee qowmiyadda madowga ka tirsan oo hal mar kawada mid noqda baarlamanka gobolka Nova Scotia.

Cali, ayaa ka tirsan xisbiga Liberal-ka, wuxuuna idaacada VOA-da oo uu la hadlay u sheegay in xilkan uu isugu taagay si uu wax uga qabto baahida dadweynaha ee taagan, taasi oo uu xusay inuu golahaas ugu adeegi doono.

Sidoo kale, waxa uu sheegay in gobolkaas oo ayna ku badneyn Soomaalida uu ku helay codadka uu ku guuleystay inay u suurta-galisay kaalintiisa uu ku leeyahay arrimaha bulshada iyo u ololeynta dadka soo galootiga.

Ugu dambeyntiina waxa uu ballan-qaaday inuu wax ka qaban doono dhanka Iskuulada iyo waxbarashada ee ka taagan gobolka laga doortay, islamarkaana uu hirgelinayo sharci ka hor-imaanaya Islaam naceybka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Ma doonaysaa inaan Saddaqo ku Darsato Masaajid?

Magaalada Kassel ee Dalka Germany oo ay Deganyihiin qiyaastii Somalida ugu badan Dalkani waxaa ka socda Khayr fara-badan oo mudan in lagala Qayb qaato. Gudida...

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir