fbpx
Tuesday, March 19, 2024
HomeWararkaQorshaha Turkiga Ee Afghanistan oo Isbeddelay

Qorshaha Turkiga Ee Afghanistan oo Isbeddelay

    

Turkiga, ayaa wada-hadallo la leh dhammaan dhinacyada Afghanistan, oo ay ku jirto Taalibaan, waxayna si togan u aragtaa fariimaha ay kooxdan dirtay tan iyo markii ay la wareegtay xukunka dalkaas, waxaa sidaas sheegay Wasiirka Arrimaha Dibedda Turkiga Mevlut Cavusoglu.

Cavusoglu, ayaa hadlay maalin kadib markii ilo-wareedyo amni oo Turkish ah ay sheegeen in Ankara ay meesha ka saartay qorshe ay dooneysay inay ku ilaaliso garoonka diyaaradaha Kabul kadib ka bixitaanka ciidamada NATO ee Afghanistan.

Ilo-wareedyada amni, ayaa u sheegay Reuters in Turkiga oo leh ciidamada ugu badan NATO, ay taas beddelkeed diyaar u tahay inay kaalmo farsamo iyo mid amni siiso Taalibaan, haddii ay codsato.

“Waxaan wada-hadal la leenahay dhammaan dhinacyada, oo ay ku jirto Taalibaan,” ayuu yidhi Cavusoglu oo shir jar’aaid ku qabtay dalka Jordan.

“Waxaan si togan u aragnaa fariimaha ay illaa hadda bixiyeen Taalibaan, marka ay noqoto kuwa ay u direen ajaaniibta, diblomaasiyiinta iyo shacabkooda. Waxana sidoo kale rajeyneynaa inaan sidoo kale aragno ficil,” ayuu yidhi.

Turkiga, oo 600 oo askari ay ka joogaan Afghanistan, ayaa sidoo kale ammaanka garoonka iyo xaaladda kala guurka Afghanistan kala hadli doonta Mareykanka iyo dalal kale, sida uu sheegay Cavusoglu.

“Dhinacyada Afghanistan iyaga ayaa ka wada-xaajoon doona dhammaan arrimahan. yaa qeyb ka noqon doona ku-meel gaadhka, dowlad noocee ah ayaa la dhisi doonaa, dhammana arrimahaas waan ka hadli doonnaa, balse dalka wuxuu hadda u baahan yahay inuu dego,” ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Dibedda Turkiga.

Sarkaal sare oo Turkish ah, ayaa sheegay in wada-hadallada Taalibaan, oo billowday kahor inta ayna kooxda la wareegin guud ahaan dalka, ay weli socdaan, islamarkaana ciidamada Turkigu ay sii joogi karaan garoonka, haddii Taalibaan ay codsadaan.

“Ma garaneyno haddii Taalibaan ay haystaan shaqaale ku filan oo maamula garoonka. Waxaa laga yaabaa inay taageero farsamo na weydiistaan. Joogitaanka ayaa kusii jiri karaa naqshadaas,” ayuu yidhi sarkaalka.

Taalibaan, ayaa hore uga digtay Turkiga inay ciidamadeeda sii joogaan Kabul si ay u ilaaliyaan garoonka, haseyeeshee sarkaalka ayaa sheegay inaanay weydiisan in ciidamada Turkiga ay ka tagaan Afghanistan, iyaga oo rajeynaya in xidhiidh wanaagsan oo ay la yeeshaan dalalka Muslimiinta ah ay ka caawin karto inay helaan aqoonsi caalami ah.

Turkiga, ayaa kulamo la leh “saraakiisha milatari ee Taalibaan iyada oo u mareysa Pakistan, halka sidoo kale ay xidhiidh la leedahay garabka siyaasadeed ee koxoda iyada oo u mareysa Qatar,” sida uu sheegay sarkaalka oo codsaday inaan la magacaabin.

Hay’adda sirdoonka Turkiga, ayaa ku lug leh xidhiidhadan, sida uu sheegay sarkaalka, oo intaas ku daray, “Waa laga laabtay qorshihii la wareegista maamulka garoonka diyaaradaha Kabul marka ay baxaan ciidamada Mareykanka, balse weli ma jiro dalab ah inaan deg deg u baxno. Fariin noocaas ah kama aanan helin Taalibaan illaa hadda.”

Reuters

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)