fbpx
Friday, April 19, 2024
HomeWararkaWefti Uu Hogaaminayo Raysal Wasaaraha Soomaaliya Oo Gaadhay Masar

Wefti Uu Hogaaminayo Raysal Wasaaraha Soomaaliya Oo Gaadhay Masar

    

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar.
Kadib markii uu saakay ka duulay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa waxaa si diirran ugu soo dhaweeyey Garoonka Qaahira International dhiggiisa dalkaas Mudane Mustafa Madbuuli iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dalka aan walaalaha nahay ee Masar.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdigiisa ayaa ku tagay dalka Masar booqasho rasmi ah oo ku saleysan xoojinta xiriirka soo jireenka ah iyo iskaashiga faca weyn ee ka dhexeeya labada dal, iyadoo labada dhinac ay yeelan doonaan kulammo ku aaddan arrinkaas.

Safarka Ra’iisul Wasaaraha XFS waxaa ku wehliya Wasiirka arrimaha Dibada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamed, Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Mudane Cabdullaahi Abuukar Xaaji iyo masuuliyiin katirsan goleyaasha Dowladda.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Ma doonaysaa inaan Saddaqo ku Darsato Masaajid?

Magaalada Kassel ee Dalka Germany oo ay Deganyihiin qiyaastii Somalida ugu badan Dalkani waxaa ka socda Khayr fara-badan oo mudan in lagala Qayb qaato. Gudida...

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir