Haldoornews.com
Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee dalka Jarmalka Abdirahman Maryacase oo xil u magacaabey Gudoomiyaha gobolka Bayern
August 16, 2021 - Written by admin

Magacaabis,

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee dalka Jarmalka Abdirahman Maryacase ayaa xil u magacaabey Gudoomiyaha gobolka Bayern Nasri Muhumed iyo Ku cigeebkiisa Siciid Saleban.

Gudoomiyuhu wuxuu uga mahadnaqayaa Nasri Muhumed oo hore u ahaa Gudoomiyaha garabka dhalinyarta ee laanta guud in uu ka aqbalo magacaabista xilkaa cusub, kii horena uu dhigo.

Gudoomiyuhu waxa kale oo u mahadnaqayaa Bashiir Maxamed oo muddo dheer ahaa Gudoomiyaha gobolka Bayern sidii wanaagsanayd ee uga shaqeeyey ugana qeyb qaatay ololihii Xisbiga.

Ugu danbeyn Gudoomiyuhu wuxuu ugu duceynayaa in xilkaa Allah u fududeeyo labadaa masuul.

COMMENTS
Arimaha Diinta