Sunday, March 26, 2023
HomeWararkaAfhayeenka Kulmiye Oo Shaaciyay In Liisaanka Xisbiyadu Dhacay

Afhayeenka Kulmiye Oo Shaaciyay In Liisaanka Xisbiyadu Dhacay

    
Af-hayeenka Xisbiga talada haya ee Kulmiye Cabdinaasir Buuni, ayaa sheegay in Xisbiyada Somaliland aanay ka qayb gelin karin doorashada soo socota ee Madaxtooyada iyo Guurtida, madaama sida uu ku dooday uu dhacayo ruqsadooda Xisbinimo.
Buuni oo ka hadlayey shirweynaha Dallada SONSOF, ayaa yidhi ‘’Waxaa dhacaya liisankii axsaabta siyaasadda Somaliland, markaa niman liisankoodu dhacay doorasho kama qaybgeli karaan.
Waxaanan rajeynayaa marka doorashada xisbiyadu dhacdo in ay ku xigto ta madaxtooyada iyo guurtidu’’ Afhayeenka xisbiga Kulmiye Cabdinaasir Buuni.
Liisanka saddexda Xisbi ee Waddani, UCID iyo Kulmiye, ayaa ka dhacaysa bisha December ee sannadka soo socda ee 2022-ka, iyada oo ka hor wakhtiga liisankoodu dhacayo ay ka horreyso wakhtiga ay dhacayso doorashada Guurtida, oo dhici doonta sannad ka dib doorashadii Wakiillada oo ku beegan May 2022-ka, halka doorashada madaxtooyadu qorsheysan tahay Nov. 2022-ka.
Haddii la hir geliyo qorshaha furista ururrada siyaasadda, waxa uu dhigayaa Xeerka Nidaamka Ururrada, ayaa dhigaya in lix biloor ka hor doorashada madaxtooyada la furo ururrada siyaasadda, kuwaas oo ka qayb geli doona doorashada madaxtooyada.
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)