fbpx
Thursday, March 28, 2024
HomeWararkaTelefishan Mareykanka Ah oo Isbarbar-dhigay Dowladnimada Somaliland iyo Xasilooni Darrada Soomaaliya

Telefishan Mareykanka Ah oo Isbarbar-dhigay Dowladnimada Somaliland iyo Xasilooni Darrada Soomaaliya

    

Wasiirka Horumarinta Maaliyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire ayaa sheegay in Somaliland ay u qalanto in beesha caalamku aqoonsato, maadaama oo ay  tahay dal ka baxay midow uu galay, hase ahaatee aanay ahayn gobol ka go’ay Soomaaliya.

Wasiir Sacad wuxuu sidaasi ku sheegay waraysi uu siiyey Telefishanka Maraykanka ku yaalla ee Black News TV, waxaanu ka warramay  inay Somaliland leedahay taariikh ka duwan Soomaaliya, isagoo tilmaamay inay Somaliland ahayd maxmiyadii Ingiriiska muddadii u dhexaysay 1897 ilaa 1960 oo shacbiga Somaliland ay xornimadoodii ka qaateen Boqortooyadii Ingiriiska, isla markaana ay la midoobeen Soomaaliya  1960kii.

Wasiirka Horumarinta Maaliyaddu wuxuu u sheegay Telefishanka Black News, in markii midowgaasi uu shaqeyn waayey ay shacabka Somaliland ka noqdeen midowgaas.

Waxaanu wasiirku sheegay in Somaliland tan iyo 1991kii ay gaadhay Nabadgelyo, isla markaana samaysatay Dawladnimo dimuqraadi ah oo ay leedahay Madaxweyne, Baarlamaan iyo Goleyaal deegaan oo la soo doortay. Waxa kaloo uu tilmaamay inay Somaliland ku naalloonayso xasilooni iyo dawladnimo aan ka jirin Soomaaliya.

Wasiir Sacad oo la weydiiyey asbaabaha Somaliland loo aqoonsan waayey, waxa uu  sheegay inay Jamhuuriyadda Somaliland leedahay xuduudihii, isla markaana ay buuxisay shuruudihii dal madax-bannaan looga baahnaa oo dhammaystiran iyo dawladnimo shacbigu soo doortay. Waxaanu intaas ku daray inay Somaliland xidhiidh la leedahay dalal ka mid ah caalamka oo madaxda dalka la siiyo hab-maamuuskii ay mudan yihiin.

Wasiirka Maaliyaddu wuxuu sheegay in wefti ka socday Midowga Afrika oo Somaliland xaqiiqo raadin u yimid ay soo saareen 2004tii bayaan ay ku caddeeyeen inay Jamhuuriyadda Somaliland u qalanto aqoonsi caalamiya.

Wasiir Sacad wuxuu sheegay inay Jamhuuriyadda Somaliland ay aqoonsiga  ugu baahan tahay si ay xubinimo buuxda uga hesho Qarammada Midoobay, waxaanu iftiimiyey in aqoonsi la’aantu ay ku hayso  caqabado ay ka mid yihiin in aanay kasban karin maalgashi badan, isla markaana aanay hay’addaha lacagaha la xidhiidhi karin.

Wasiirka Maaliyaddu wuxuu u sheegay Telefishanka Black News in Somaliland iyo Soomaaliya wadahadalladoodu soo socdeen tan iyo 2012kii, oo labada dhinac yeesheen 10 shir, hase ahaatee aanay Soomaaliya xushmayn heshiisyadii la gaadhay, waxaanu ku eedeeyey madaxweyne Farmaajaha Soomaaliya carqaladeynta wadahadalka, waxaanu tilmaamay in marka Soomaaliya ay doorato Madaxweyne cusub ay Jamhuuriyadda Somaliland la geli doonto wadahadal kale.

Telefishanka Black News, waxa uu isbarbar-dhigay colaadaha iyo nabadgelyo darrada ka jirta Soomaaliya iyo dawladnimada iyo nabadgelyada cagaha adag ku taagan  ee ka jirta Somaliland.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)