fbpx
Tuesday, December 5, 2023
HomeWararkaMaxaa Ka Jira In Uu Burburay Heshiiskii Cabdirashiid Janan iyo Dowladda Soomaaliya?

Maxaa Ka Jira In Uu Burburay Heshiiskii Cabdirashiid Janan iyo Dowladda Soomaaliya?

    

Cabdirashiid Janan, Wasiirkii hore ee amniga Jubbaland, ayaa beeniyay warar sheegayay inuu burburay heshiiskii uu la galay dowladda Federaalka Soomaaliya.

Cabdirashiid Janan oo maanta magaalada Muqdisho ku qabtay munaasibad uu ku shaacinayo musharaxnimadiisa Xildhibaanimo ee Aqalka Hoose ee Soomaaliya, ayaa sidoo kale beeniyay in uu fakaday, balse uu ka guuray hoygii hore ee uu ka deganaa magaalada Muqdisho.

Janan, ayaa sheegay in aanay marnaba ka suurtoobin inuu dib u furo colaadii uu sheegay inuu damiyay. Waxaa kale oo uu been abuur ku tilmaamay inuu ku biiray Xisbiyadda mucaaradka.

Wuxuu sheegay in si qaldan loo turjumay kaddib markii uu ka soo guuray hoygiisa oo ku dhawaa xarunta nabad sugida, taas oo uu sheegay in loo fasiray inuu dhinaca mucaaradka u soo guuray.

Cabdirashiid Janan, ayaa sidoo kale mar uu ka hadlayay arrimaha Gedo, wuxuu sheegay in aanu waxba kala socon wararka sheegaya in ciidamadii uu dowladda Soomaaliya ku wareejiyay ay gadood sameeyeen.

Wuxuu sheegay ciiddamadaasi in ay yihiin ciidamo dowladdeed oo uu masuuliyadooda hore ugu wareejiyay xukuumada Soomaaliya, wuxuuna sheegay ciidamadaas in ayna hadda ku shaqeyn fikirkiisa.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)