fbpx
Tuesday, December 5, 2023
HomeWararkaDowladda Afghanistan oo Xukunka Ku Wareejineysa Taliban

Dowladda Afghanistan oo Xukunka Ku Wareejineysa Taliban

Wasiirka Arrimaha Gudaha Afghanistan Abdul Sattar Mirzakwal, ayaa maanta sheegay in “xukunka si nabad ah loogu wareejin doono” dowlad ku-meel gaadh ah kadib markii Taliban ay amartay dagaal-yahanadeeda inay u sugaan gelitaanka magaalada caasimadda ah ee Kabul.

“Shacabka Afghanistan yeysan walaacin, ma jiri doono weerar lagu soo qaado magaalada, waxaa jiri doona in xukunka si nabdoon loogu wareejiyo dowlad ku-meel gaadh ah,” ayuu yidhi.

Ali Ahmed Jalali, oo ah aqoonyahan fadhigiisu yahay Mareykanka, horena u ahaa wasiirka arrimaha gudaha, ayay u badan tahay inuu hoggaamiyo maamulka ku-meel gaadhka ah, sida ay ilo-wareedyo diblomaasi u sheegeen Reuters.

Afhayeenka Taliban Suhail Shaheen, ayaa u sheegay taleefishinka Al-Jazeera inay sugayaan “In si nabdoon loogu soo wareejiyo magaalada Kabul.” Waxa uu diiday inuu faah-faahin ka bixiyo wada-xaajoodyada ay kula jiraan dowladda.

Si kastaba, Shaheen ayaa sheegay inay doonayaan in si shuruud la’aan ah loogu wareejiyo xukunka dalka. Ma cadda xilliga ay wareejintaas dhici doonto.

Dhinaca kale, madaxweyne Ashraf Ghani, ayaa ciidamada dowladda ugu baaqay inay sugaan amniga magaalada Kabul.

“Waa mas’uuliyaddeena, waxaana u sameyn doonnaa sida ugu wanaagsan. cid kasta oo ka fakareysa qas ama raadineysa bililiqo waxaa lagula macaamili doonaa awood,” ayuu ku yidhi muuqaal uu soo duubay.

Geesta kale, Maleeshiyada Taalibaan, ayaa galay caasimadda Afghanistan ee Kabul maanta oo ah Axad ah, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha, xilli Maraykanku uu shaqaalaha safaaraddiisa diyaarado ku daadgureynayo.

Sarkaalkan Sare, ayaa u sheegay walaaladda wararka ee Reuters in Taalibaan ay ka imanayso “afarta jiho” laakiin ma bixin faahfaahin intaas ka badan.

Qoraal kooban oo la soo dhigay barta Twitter-ka ee madaxtooyada Afghanistan, ayaa lagu sheegay in rasaas laga maqlay meelo badan oo ka agdhow Kabul, balse ciidamada ammaanka oo kaashanaya kuwa shisheeyee ay gacanta weli ku hayaan magaalada.

Saraakiil Mareykan ah, ayaa sheegay in diblomaasiyiinta safaaradda laga dhoofinayo gegida diyaaraha ee degmada Wazir Akbar Khan, islamarkaana la xoojiyay ammaanka garoonka, iyadoo ciidamo dheeraad ah oo Mareykan ah loo soo diray Kabul, si ay gacan uga geystaan daadgureynta.

AFP, AP, REUTERS

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)