Sunday, March 26, 2023
HomeWararkaArrin Caqabad Ku Noqonaysa Doorashada Madaxtooyada Somaliland oo La Shaaciyey

Arrin Caqabad Ku Noqonaysa Doorashada Madaxtooyada Somaliland oo La Shaaciyey

    

Afhayeenka Xisbiga talada Somaliland haya ee Kulmiye Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni, ayaa sheegay in Xisbiyada Somaliland aanay ka qayb gelin karin doorashada soo socota ee Madaxtooyada iyo Guurtida, madaama sida uu ku dooday uu dhacayo ruqsadooda Xisbinimo.

Buuni, ayaa sidoo kale sheegay in doorashada madaxtooyada Somaliland anay qabsoomaynin sanadka danbe madaama oo 10 kii sano ee sharcigu siinayay in ay shaqeeyaan xisbiyada hada jooga ay dhaamaanayso.

Waxaa kale oo uu sheegay in doorashada furista ururada siyaasada Somaliland ay ka soo horayn doonto doorashada madaxtooyada Somaliland oo la rajaynayay in loo dareero 13 November ee 2022.

Liisanka saddexda Xisbi ee Waddani, UCID iyo Kulmiye, ayaa ka dhacaysa bisha December ee sannadka soo socda ee 2022-ka, iyada oo ka hor wakhtiga liisankoodu dhacayo ay ka horreyso wakhtiga ay dhacayso doorashada Guurtida, oo dhici doonta sannad ka dib doorashadii Wakiillada oo ku beegan May 2022-ka, halka doorashada madaxtooyadu qorsheysan tahay Nov. 2022-ka.

Haddii la hirgeliyo qorshaha furista ururrada siyaasadda, waxa uu dhigayaa Xeerka Nidaamka Ururrada in lix bilood ka hor doorashada madaxtooyada la furo ururrada siyaasadda, kuwaas oo ka qayb geli doona doorashada madaxtooyada.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)