fbpx
Tuesday, December 5, 2023
HomeWararkaBaanka Dhexe Ee Somaliland Oo Shaaciyay In La Isticmaali Karro Lacagta $50...

Baanka Dhexe Ee Somaliland Oo Shaaciyay In La Isticmaali Karro Lacagta $50 Ah

    

Guddoomiyaha baanka dhexe ee Somaliland Cali Ibraahim Jaamac (Baqdadi), ayaa shaaciyay in si rasmiya loo isticmaali karro kontonka dollar ee lacagta Maraykanka ah.
Kadib muddo dhawr bilood ah oo uu hakad ku jiray isticmaalka kontonka dollar ee suuqyadda wax kala iibsiga iyo sarifka ee Somaliland.
Taasoo ka dhalatay in ay dalka soo gashay lacag Foojeri ah oo kontonka dollar ee Maraykanka ah.
Shaacinta isticmaalka kontonka dollar waxa uu guddoomiye Baqdaadi, ka sheegay shir ay maanta xarunta baanka dhexe ee Hargaysa ku yeesheen madaxda baanka dhexe, shirkadaha xawaaladaha lacagta ee gaarka loo leeyahay, iyo ururka sarifleyaasha, rugta ganacsiga Somaliland oo ka wakiil ah ganacsatadda dalka.


Waxaana shirkaasi laga soo saaray go’aamo ay isla qaateen baanka dhexe ee Somaliland iyo shirkadaha iyo sarifleyaasha lacagaha ka shaqeeya.
Geesta kale guddoomiyaha baanka dhexe waxa kaloo uu digniin u diray cid kastoo lagu qabto lacagaha foojeriga ah, in tallaabo laga qaadi doono.

 

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)