Thursday, March 28, 2024
HomeArticlesSiday U Dhacday Bixintii Lixdii Qandaraas Ee D/Hoose Ee Gabiley Ay Baahisay

Siday U Dhacday Bixintii Lixdii Qandaraas Ee D/Hoose Ee Gabiley Ay Baahisay

    

Marka hore waan idin salaamaya dhamaan dadwaynaha reer Gabiley waxaan jeclaystay inaan dadwaynaha reer gabiley la wadaago qaabka loo bixiyay mashariicdii lixda ahaa ee ay dawlada hoose ee gabiley baahisay markii danbena inoo sheegtay inay saddex shirkadood ku guulaysteen.
Marka loo eego xeerka ismaamulka Gobolada iyo degmooyinka ee xeer 23 meelna kagama qorna in maayarka golaha deegaanka gabiley uu baahiyo qandaraasyada ay fulinayaan dawlada hoose ee gabiley qodobka 102 ee xeerka No 23. Ayaa faahfaahinaya qandaraaska qaabka loo bixinayo iyo cida xaq u leh inay bixiso qodobkaasi wuxuu sheegaya in golayaasha deegaanku yeelanayaan Guddi qandaraas oo dawlada hoose ah,
Golaha cusubi wali ma yeelan guddi qandaraas ee guddida imika mashaariicdan ka shaqaysay waa guddidii golihii hore gudidaas oo aan lagu kalsoonaan karin madaama markii horeba ay ku shaqaynayeen amarka maayarka maxamed amiin.


markii dhawr xildhibaan oo aan ka mid ahay aanu maayarka wax ku waydiinay guddidani inaanay xaq u lahayn inay mashaariicdan ka shaqayso maayarku wuxuu noo sheegay in hayadaha mashaariicda bixiya iyo wasaarada arimaha gudaha iyo dawlada hoose ku heshiiyeen inay guddidani mashaariicda ka shaqayso taasi oo Xeer No 23 baalmarsan markiise aanu maayarka tiisa u raacnay ee aanu waydiinay inuu heshiiska qoraalkiisa keeno waxa dhacday in qoraalkii la waayay.
Mashaariicdan lixda ah qiimaha shirkadaha loo sheegay iyo lacagta miisaaniyada ugu jirta maxaa farqi u dhaxeeya.
Mashruuca afarta xafiis ee xaafadaha magaalada miisaaniyada waxa ugu jira lacag dhan 1,300,000,000 ( hal bilyn iyo sadex boqol oo milyan) oo u dhiganta $ 150,289 dollar markaas oo mashruuca halkii xafiis uu noqonayo $37,572.25 halka shirkadaha loogu sheegay halkii xafiis in lagu dhisayo $31,624.5 farqiga u dhexeeya afarta xafiis ee mashruucaasi waa $23,791
Mashruuca Dugsiga baahiyaha gaarka waxa miisaaniyada ugu jira 550,000,000 oo u dhiganta $63,583.81 halka shirkadaha loogu sheegay $47,035.65 farqiga u dhexeeyaana waa 16,548.16
Mashruuca hallka shirka golaha deegaanka oo aan isleeyahay waxa jira baahiyo ka muhiimsan lakiin ay tahay miisaaniyadii ay ansixiyeen golihii naga horeeyay isna waxa ugu jira miisaaniyada 500,000,000 oo u dhiganta $57,803.46 shirkadahana waxaa loo sheegay $27,747.35 farqiga u dhaxeeya waa $30,056.11
Faraqa wadarta guud ee mashaariicda
$ 73,395.27 taasi waa faraqa mashaariicda ee lacagta miisaaniyada ugu jirta iyo qiimaha shirkada loogu sheegay inay ku dhisaan. midna ku darsada oo xafiisyada afarta xaafadood loo  dhisayo waad arki doontaane waa afar qol, guri afar qol ahina inta gabiley lagaga dhiso waa wada garanaysaan oo haduu u bato waa $18,000
Arinta ku guulaysiga shirkadaha iyaga waxay u dhacday  qaab xulis ah oo sadex shirkadood lagu siiyay min laba mashruuc isagoo maayarku si gaar ah u xushay shirkadaas isagoon awood sharci u lahayn.


Su’aasha ah xildhibaanadii loo soo doortay inay sharciga ku ilaaliyaan maayarka iyo shaqada dawlada hoose miyay arintan kula socdaan maayarka waxay ku qurux badan tahay inaad iyaga waydiisaan. Way yar tahay xildhibaan sheegi kara dhulka laga dhisayo xafiisyadan.
Intan uun kuma eeka waxyaabaha sharci jabinta ah ee maayarka degmadu ku dhaqmay mudadan kooban ee wada shaqayntu naga dhaxaysay.
Shacabkana laba ma wada qabato in cashuurtii oo ay bixin waayeen albaabada looga soo furto in cashuurtoodii sidan loo maamulo.

Hadii masuuliyada la ii doortay ay ahayd inaan saxo maayarka oo sharciga iyo wadada toosan aan ku ilaaliyo isna uu ka leexdo waliba si badheedha waxaan xaq u leeyahay inaan idinla wadaago intay xildhibaanadu inala arkayaan.
Wa bilaahi tawfiiq.

 QORE: XIL AHMAD CIISOOD, OO KAMIDA GOLAHA DEGANKA GABILEY.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)
Exit mobile version