fbpx
Saturday, June 3, 2023
HomeWararkaMaxaa Ka Jira In Wadahadal Dhexmaray ONLF iyo TPLF?

Maxaa Ka Jira In Wadahadal Dhexmaray ONLF iyo TPLF?

    

Qaar ka mid ah asxaabta mucaaradka ah ee dalka Itoobiya, ayaa ku baaqay wadahadal qaran si loo soo afjaro dhammaan khilaafaadka jira islamarkaana wax laga qabto dhibaatooyinka iyo qalalaasaha ka taagan qeybo kamid ah Itoobiya.

Ururka ONLF ee deegaanka Soomaalida, ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in wada -hadal loo maro sidii lagaga bixi lahaa xiisadda taagan dalkaas, halka Xisbiga Dimuqraadiga ee Hibir uu isna hore u soo saaray baaq kan la mid ah.

Afhayeenka ONLF Cabduqaadir Xasan Hirmooge (Caddaani) ayaa sheegay in aragtidoodu ay tahay in la joojiyo dagaallada ka socda waqooyiga Itoobiya islamarkaana wadahadal lagu xalliyo xiisadda.

“Qowmiyadda Soomaalida dagaallo badan baa ku soo dhacay oo ay dowladda Itoobiya hoggaamineysay, marka khibrad baan u leenahay dagaallada dowladda Itoobiya ka dhex dhaca, sidaa daraadeed waxaan u aragnaa dhibaatada taagan in lagu xallin karayo in xoggaga dagaallamayo in dagaalka ay joojiyaan”

“Maya anaga wax xidhiidh ah nalama ayna soo sameyn, sida uu dagaal inoo dhexmaray, wadahadal nama dhexmarin, TPLF wax xidhiidh ah oo anaga nala soo sameysay ma jiro.” Ayuu yidhi Caddaani Hirmooge.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)