fbpx
Saturday, June 3, 2023
HomeWararkaMaamulka Gobolka Gabiley oo Daah-furay 9 Mashruuc oo Lagu Tartami Doono

Maamulka Gobolka Gabiley oo Daah-furay 9 Mashruuc oo Lagu Tartami Doono

    

Maamulka gobolka iyo ka degmada Gabiley oo ay weheliyaan guddida qandaraasyada qaranka Somaliland, ayaa maanta daah-furay 9 mashruuc oo ay sheegeen in lagu tartami doono.

Mashaariicdan, ayaa laga hirgelinayaa degmada Gabiley, waxaana ay kala yihiin afar xafiis oo loo dhisayo maamul daadejinta xaafadaha degmada, dhismaha hoolka shirarka ee dowladda hoose ee degmada, dhismaha dugsiga dadka baahiyaha gaarka ah qaba, iyo mashaariic kale oo laga hirgelinayo gobollka, kuwaasoo weli si rasmi ah loo shaacin.

Ugu horeyn waxa halkaasi ka hadlay Maayarka degmada Gabiley Maxamed Aamiin Cumar Cabdi, waxaana uu sheegay in dawladda hoose ee degmada Gabiley ay noqotay meeshii ugu horreysay ee degmooyinka dalka si daahfuran u shaacisa in mashaariicdeeda loo soo tartamo, isagoo xusay in maanta ay shaacinayaan lix mashruuc oo laga fulinayo gobolka Gabiley oo si daahfuran ay ugu soo tartamayaan shirkadaha ku lug leh mashaariicdaasi.

Waxa isaguna halkaas ka hadlay Muuse Faarax Jaambiir oo ku hadlayay magaca guddida qandaraasyada qaranka, waxaana uu sheegay in hay’adda guddida qandaraasyada qaranku ay xafiisyo ka furan doonto gobollada iyo degmooyinka dalka. Isagoo xusay in degmada Gabiley ay noqotay degmadii ugu horreysay ee la soo xidhiidha guddida qandaraasyada ee heer qaran.

Badhasaabka gobolka Gabiley Cabdikariin Aadan Xaaji Diiriye oo isna halkaasi ka hadlay, ayaa sheegay in si caddaalad ah loogu soo tar tami doono mashaariicdaasi oo ay marag ka noqon doonto guddida qandaraasyada qaranka oo ugu xil saaran qaranka arrimahaasi.

Waxaanu badhasaabku kula dardaarmay shirkadaha ku guuleysta mashaariicdaasi inay qaranka u dhisaan dhismayaal loo aayo oo raandhiis leh.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)