fbpx
Saturday, June 3, 2023
HomeWararkaGarabka Mahdi Guuleed oo Doorasho Ay Ka Maqan Yihiin Garabka Cabdi Xaashi...

Garabka Mahdi Guuleed oo Doorasho Ay Ka Maqan Yihiin Garabka Cabdi Xaashi Ku Doortay Guddoon

    

Garab ka mid ah Guddiga doorashada Baarlamanka Soomaaliya ee ka soo jeeda Somaliland ee uu hoggaaminayo Ra’iisal wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa maanta doortay guddoon.

Garabkan, ayaa waxa ay guddoomiye u doorteen Khadar Xariir Xuseen. Waxaana doorashadan ka maqnaa afartii xubnood ee uu soo magacaabay Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Doorashada oo ka dhacday xerada Afisyooni ee magaalada Muqdisho, ayaa waxaa amarkeeda lahaa Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Goobta ay doorashadani ka dhacday, ayaa waxaa ku sugnaa wasiiro iyo xubno ka socday Xafiiska Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya.

Musharax Maxamed Cabdilaahi oo xilkaan kula tartamayay, ayaa tanaasulay, waxaana khadar Xuseen Xariir uu helay 7 cod.

Natiijada Doorashada Waxaa ku dhawaaqay gudoomiyaha Guddiga hirgelinta doorashooyinka Maxamed Xasan Ciro.

Doorashada waxaa ka qeyb qaatay todobo xubnood oo ka tirsan guddigan.

Khadar Xariir Axmed, ayaa hore u ahaa guddoomiyihii guddiga doorashada garabka raysal wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed, kahor inta aanu Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya laalin doorashadii lagu doortay.

Dhinaca kale, Nagiib Xuseen Samaale, ayaa loo doortay gudoomiye ku xigeenka guddiga doorashada, kadib markii 6 cod kaga guulaystay Amal Mustafe Muuse oo heshay hal cod.

Dhanka kale, garabka Cabdi Xaashi, ayaa lagu wadaa in dhankooda ay doortaan guddoon Saacaddaha soo socda taasoo sii dheereyneysa khilaafka u dhaxeeya guddiga doorashooyinka ee xubnaha ka soo jeeda Somaliland.

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ka hadlay munaasabad ka dhacdey magaalada Muqdisho, ayaa wuxuu ku eedeeyay ra’iisal wasaaraha Soomaaliya inaanu dhexdhexaad ka ahayn khilaafka siyaasiyinta ka soo jeeda Somaliland.

Guddiga doorashada ee xubnaha ka soo jeeda Somaliland, ayaa ka kooban 11 xubnood. Afar ka mid ah xubnaha waxaa soo magacaabay Mahdi Guuleed. Afar kale waxaa soo magacaabay Cabdi Xaashi, halka saddexda kalena uu soo magacaabay ra’iisal wasaare Rooble.

     

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)